Ka Hor Kulanka El Clasico-da, Zinedine Zidane Oo Ka Walali Doona Xaalada 12 Xidig Oo Kulamada Caalamiga Ah Ka Ciyaaraya.

Waqtiga kulamada caalamiga ahi waxa uu walal badan ku hayaan tabarayaasha kooxaha maadaama oo ay inta badan dhacaan dhaawacyo ku yimaada ciyaartoyda muhiimka ah ee kulamada xulalka qaramada waxaana mararka qaar ka dhasha isku dhac kooxaha iyo xulalka ah.

Real Madrid waxaa kulamada caalamiga ah uga qayb gali doona 12 ciyaartoy waxayna inta ugu badani walwal ku hayn doonaan Zinedine Zidane maadaama oo uu ka sii fikirayo kulanka heerka kooxaha ugu xiisaha badan ee El Clasico.

Marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah waxay Real Madrid la ciyaari doontaa kooxda Real Mollorca oo horyaalka La Liga ah iyo Galatasaray oo Champions League ah laakiin kulanka ugu muhiimsan ayaa ah kan El Clasico-da ee October 26.

Sidii xili ciyaareedkii hore waxay Real Madrid ku horayn doontaa Camp Nou halkaas oo ay shan gool kula soo kulmeen laakiin Zidane ayaa rajaynaya in kulamada caalamiga ahi ayna sii xumayn xaalada dhaawacyada kooxdiisa.

Real Madrid waxaa kulamada caalamiga ah uga qayb galaya 12 ka xidig ee kala ah Sergio Ramos, Dani Carvajal, Raphael Varane, Areola,Thibaut Courtois, Eden Hazard, Luka Modric, Gareth Bale, Valverde, Casemiro, Eder Militao iyo Rodrygo Goes.

FIFA Virus ayaa loo bixiyay nooca dhaawacyada soo gaadha ciyaartoyda marka ay ku jiraan waajibaadka xulalkooda, waana xaalad aanu Zidane doonayn in kooxdiisu oo soo kabsasho wayn samaysay ayna la kulmin.

Toni Kroos oo dhaawac soo gaadhay, Marco Asensio oo hore dhaawac ugu maqnaa, Karim Benzema oo aan qayb ka ahayn xulkiisa France ayaa ka mid ah ciyaartoyda aan xulkooda looga yeedhin.