Ka Hor Finalka Koobka Adduunka, Dhamaan Xiddigihii Croatia Ee Sannadkii 1998 Oo Lagu Casuumay Ciyaarta Finalka

Xidhiidhka kubadda cagta Croatia ee CFF ayaa martiqaad u fidiyey dhamaan ciyaartooyada iyo shaqaalihii tababarka ee xulkii dalkaas kaalinta saddexaad geeyey Koobkii Adduunka ee sannadkii 1998 lagu qabtay waddanka France, si ay ugala qayb-galaan ciyaarta finalka Koobka Adduunka ee Axadda ka dhici doonta magaalada Moscow.

Xulka qaranka Croatia ayaa Arbacadii 2-1 kaga adkaaday England, waxaanay markii ugu horreysay taariikhdooda u gudbeen ciyaarta ugu dambaysa Koobka Adduunka ee Finalka oo ay isku haleeli doonaan France oo iyaguna kasoo badiyey Belgium.

War-murtiyeed uu Khamiistii soo saaray xidhiidhka kubadda cagta ayaa waxa lagu sheegay in dhamaan ciyaartooyadii sannadkii 1998, tababareyaashii iyo shaqaalihii kala duwanaaba lagu casuumay inay la daawadaan ciyaarta finalka oo ay garoonka tagaan si ay dhiirigelin u siiyaan ciyaartooyadooda.

“Xidhiidhka kubadda cagta Croatia waxa uu martiqaadayaa kooxdii (tababarihii xulka qaranka 1998) Miroslav Blazevic iyo dhamaan shaqaalihii ee ku guuleystay biladda maarta ah Koobkii Adduunka ee 1998 lagu qabtay France inay kala soo qayb-galaan ciyaarta finalka Koobka Adduunka ee lagu qabanayo Ruushka.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Xulkii qaranka 1998 oo uu xiddiga ugu weyn ee ay wataan ahaa gool-dhaliyihii kabta dahabka ah ku guuleystay ee Davoc Suker oo ay hareero taagnaayeen libaaxyadii aan gabban jirin ee Boban, Stanic, Jarni, Jurcic, Blic, Simic iyo Goran Vlaovic.

Xulkii Croatia ee 1998 oo dhamaystiran ayaa ahhaa sidan:

Gooolhayeyaal: Drazen Ladic, Marjan Mrmic, Vladimir Vasilj;

Difaaac: Igor Stimac, Goran Juric, Slaven Bilic, Zvonimir Soldo, Igor Tudor, Zoran Mamic, Dario Simic;

Khadka Dhexe: Anthony Seric, Aljosa Asanovic, Robert Prosinecki, Zvonimir Boban, Silvio Maric, Mario Stanic, Robert Jarni, Krunoslav Jurcic;

Weerarka: Petar Krpan; Davor Suker, Ardian Kozniku, Goran Vlaovic.

Suker oo wakhtigaas ahaa lama-taabtaanka koowaad ee guulaha laga sugo, ayaa hadda ah madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Croatia.