Ka Hor Finalka Copa Del Rey, Siddeed Ciyaartoy Oo Kooxda Barcelona Ka Mid Ah Oo Valverde Walwal Ku Haya.

Barcelona ayaa si wayn uga walwalsan xaalada ay kooxdeedu ku sugan tahay ka hor finalka Copa Del Rey ee ay dhawaan Valencia la ciyaari doonto.

Finalka Copa Del Rey ayaa la ciyaari doonaa sabtida May 25, waana waqti ay shan maalmood oo kaliyi inaga xigaan si ay Barcelona u ogaato ciyaartoyda taamka u noqon doona kulankan.

Waxaana finlka Copa Del Rey lagu ciyaari doonaa garoonka kooxda Real Betis ee Estadio Benito Villamarin oo xili hore marti galintiisa la doortay si ka duwan sanadihii hore.

Valverde waxaa haysta walwal badan maadaama oo ay jiraan siddeed ciyaartoy oo kooxda kowaad ka mid ah oo uu shaki ku jiro taam ahaanshahooda finalka Copa Del Rey ama si rasmi ah loo ogyahay in ay seegayaan.

Luis Suarez iyo Rafinha ayaa haddaba si rasmi ah loo ogyahay in ay seegayaan finalka Copa Del Rey ee Valencia laakiin waxaa jira shan ciyaartoy oo kale oo uu Valverde isha ku hayo horumarkooda.

Laakiin Valverde ayaa ka walwalsan xaaladaaha  Marc-Andre ter Stegen, Nelson Semedo, Ousmane Dembele, Philippe Coutinho, Arthur Melo iyo Clement Lenglet.

Nelson Semedo ayuu dhaawac ku soo gaadhay kulankii ugu danbeeyay ee Eibar wuxuuna ku biiray xidigaha walwalka ku haya Barcelona ee ka hor finalka Copa Del Rey.

Ousmane Dembele ayay u badan tahay in aanu ku lug yeelan finalka Copa Del Rey kadib dhaawicii uu ku seegay lugtii labaad ee Champions League iyo kulamadii ka danbeeyay halka Ter Stegen iyo Clement Lenglet ay rajo galinayaan Barca.

Philippe Coutinho ayaa markii uu dhaawucu soo gaadhay la sheegay in uu toban maalmood kadib soo laabanayo waxayna ku buuxaan arbacada taas oo keeni karta in uu taam buuxda u noqdo finalka Copa Del Rey ee Valencia.

Arthur Melo oo isna xaalado dhaawac la soo dhibtoonayay bilihii ugu danbeeyay ayaa maanta ku soo laabtay xarunta tababarka Barcelona si uu walwalka uga yareeyo Valverde.

Inta ka horaysa finalka Copa Del Rey ee sabtida ayuu Valverde hubin doonaa fursad kasta oo ay ciyaartoyda kooxdiisu taam ugu noqonayaan kulanka Valencia.