Kadib Go’aankii Gareth Bale, Goolhaye Keylor Navas Oo Markiisa Saddex Shuruudood Ku Xidhay In Uu Bernabeu Ka Baxo.

Real Madrid ayaa la dhibtoonaysa sidii ay kooxdeeda uga diri lahayd xidigo aan qayb ka ahayn qorshaha Zinedine Zidane ee xili ciyaareedka cusub waxayna u muuqdaan ciyaartoydu kuwo la ficiltamaya maamulka kooxdooda Madrid.

Madrid ayaa ku qasban in ay lacag 270 milyan yuro ah ka samayso xidigaha kooxdeeda ee aan qorshaha Zidane ku jirin si ay sharciga dhaqaale wanaaga Yurub ugu hogaansanto oo ay xisaabta kooxdeeda iskugu dheeli tirto kadib in 210 milyan yuro inka badan ay haddaba suuqa la gashay.

Laakiin iyada oo la ogaa in Gareth Bale uu si adag u diiday in uu Bernabeu ka baxo isla markaana uu shuruudo adag ku xidhay haddiiba ay xataa suurtogal tahay in uu koox cusub ku biiri karo, waxaa markiisa saddex dalab miiska Madrid u saaray goolhaye Keylor Navas.

Maamulka Real Madrid ayaa xili horeba Keylor Navas ku wargaliyay in uu kooxda ka bixi karo kadib markii Zidane lagu riixay in uu Courtois ka dhigto goolhayaha kowaad, laakiin Keylor Navas ayaa markiisa tatiko xoogan ciyaaraya.

Goolhaye Keylor Navas ayaa dalbaday shuruudaha kaliya ee uu kooxdiisa kaga bixi karo waxaana ugu horeeya in marka ugu horaysa uu helo koox uu ka heli karo mushaar 7 milyan ah sanadkiiba waana in ka badan laba milyan lacagta uu hadda sanadkii Madrid ka qaato.

Shuruuda labaad ee uu Keylor Navas kooxdiisa u sheegay ayaa ah in kooxda soo dalbata uu ka heli karo heshiis saddex sanadood ah taas oo iyaduna fursadaha kooxaha doonaya yarayn karta.

Shuruuda saddexaad ee ugu muhiimsan ayaa ah in Keylor Navas uu kooxdiisa ka doonayo in dalabka ay aqbalayaan uu noqdo dalab ka yimid koox diyaar u ah in uu isaga u damaanad qaadi karta waqti uu ku ciyaaro.

Goolhayaha reer Costa Rica ee Keylor Navas waxaa la sheegay in hadda kooxda PSG oo kaliyi ay tahay kooxda xiisaynaysa laakiin haddii uu saddexdan shuruudood ka helo Paris waxa uu Madrid siin doonaa fursad uu culayska kaga dul qaadi karo.

Laakiin waxay u muuqataa in Keylor Navas uu doonayo in uu wada xaajood adag ka galo bixitaankiisa Bernabeu maadaama oo uu fashiga mushaar badan ku qaadan karo haddii aanu bixin isla markaana uu ka war qabo sida uu Zidane u aaminsan yahay isaga.

Waxaa hubaal ah in haddii uu Courtois qaladaadkiisa sii wato isla markaana uu Keylor Navas kooxda iska sii joogo in ay taasi Zidane ku qasbi karto in uu go’aankiisa badali karo oo uu Navas soo horaysiin karo waana arin Navas uu jeclaan lahaa in ay dhacdo.

Si kastaba ha ahaatee, iyada oo Gareth Bale uu hore u sheegay in sida kaliya ee uu Madrid kaga bixi karaa ay tahay in uu helo koox bixinaysa mushaarkiisa 17 ka milyan yuro sanadkii ah, waxa uu Keylor Navas u muuqdaa mid xaalada maamulka Madrid sii adkaynaya.