Juventus Oo Kaddib Dhammaystirkii Saxiixa Cristiano Ronaldo Weerar Ku Qaadaysa Kooxda Atletico Madrid & Maxi Allegri Oo Daafac Khabiir Ah Ka Ishaartay Rojiblancos.

Kooxda Juventus ayaa u muuqata mid aan joojin doonin hawlgalada waawayn ee ay kawada gudaha suuqa kala iibsiga, Dhawaan ayay ahayd markii ay isku hubsadeen saxiixa weeraryahnkii Real Madrid ee Cristiano Ronaldo waxaana ay markale isku diyaarinayan inay weerar kusoo qaadaan isla magaalada Madrid gaar ahaan kooxda Atletico Madrid.

Kooxda difaacanysa horyaalka Talyaaniga ayaa u aragta inay xal u heleen weerarkooda balse ay imika diirada saari doonaan dhinaca daafaca iyagoo Atletico Madrid ka calaamadsaday daafaca dhexe ee Diego Godin kaas oo ay u arkaan inuu wax weyn kusoo kordhin karo daafacooda.

Tababare Maxi Allegri ayaa ka cabsi qaba inay ku dhacdo yaraan dhinaca daafacyada dhexe ah iyadoo da’yarka Daniel Rugani uu ku wajahanyahay kooxda Chelsea xilli uusan wali cadayn mustaqbalka Mehdi Benatia, Mattia Caldara ayaa dhawaan kooxda uga soo laabtay amaah uu ugu maqnaa Atlanta laakiin Juve waxay u baahantahay daafac dhexe oo khibrad badan leh oo safka hore ah waxaana ay isku diyaarinayaan inay sanadka dambe dagaal buuxa u galaan UEFA Champions League.

Diego Godin ayuu qandaraaskiisu dhacayaa sanadka dambe iyadoo ay xusid mudan tahay inuusan wali wax heshiis cusboonaysiin ah kala hadal kooxda, Shabakada Tuttosport ayaana ku waramaysa in tababare Allegri uu daafacan ku abaalmarin doono heshiis mudo dheer ah.

Haddii Bianconneri ay dhammaystiraan saxiixa daafacan khabiirka ah ayaa waxay u noqon doontaa talaabo kale oo ay hore u qaadeen isla markaana ay ku xoojinayaan safkooda, Sidoo kale Diego waxa uu noqon doonaa saxiixii saddexaad ee ay kooxdu ka qaadato horyaalka Spain maalmo gudaheed kaddib xiddigaha ree Portugal ee Cristiano Ronaldo iyo Joao Cancelo.