Juventus Oo Guuldarro Ay Ka Soo Gaartay Tottenham, Harry Kane Oo Bartamaha Garoonka Goolka Guusha Ka Soo Dhaliyay & Cristiano Ronaldo Oo Shabaqa Soo Taabtay

Juventus ayaa guuldarro ku bilaabatay kulamada socdaalkeeda xagaaga ka dib markii ay guuldarro 3-2 ka soo gaartay kooxda Tottenham kulan xiiso lahaa oo ka dhacay dalka Singapore.

Gool uu dhaliyay xiddiga Argentina Erik Lamela markii ay ciyaarta socotay nusa saac ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Tottenham qeybtii hore oo sidaas lagu kala nastay.

Qeybtii labaad ayay Juventus soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican iyadoo Gonzalo Higuain oo shaki weyn uu ku jiro mustaqbalkiisa kooxda Juve uu u barbareeyay daqiiqadii 56aad.

Afar daqiiqo ka dib waxaa hogaanka u dhiibay Juventus xiddigooda weyn Cristiano Ronaldo kaasoo durbadiiba la bedelay isagoo kulankaan ciyaaray muddo saacad ah.

SIDOO KALE AKHRISO:  PL Deadline Day - Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Waxyaabihii Ay Wargeysyada Ugu Waaweyn Yurub Ka Qoreen Maanta Oo Khamiis Ah

<span class=”hidden-xxs” data-type=”full”>Laakiin hogaanka Juventus ma uusan waarin waqti badan iyadoo Lucas Moura uu ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah daqiiqadii 65aad. Inkastoo Spurs ay barbareysay ciyaarta hadana kooxda tababare Maurizio Sarri ayaa si fiican u dheeleysay.</span>

<span class=”hidden-xxs” data-type=”full”>Waxay u muuqatay inay ciyaarta ku dhamaaneyso barbaro laakiin daqiiqadii 3aad ee waqtiga dheeriga ah ayaa weeraryahanka Tottenham Harry Kane waxa uu arkay goolhaye Sczesny oo si weyn uga soo durugsan goolka, waxaana uu kubad ka soo qaaday bartamaha garoonka taasoo shabaqa ku nasatay.</span>

Shaxda Ay Labada Kooxood Ku Soo Galeen:

Spurs: Gazzaniga, Walker-Peters, Alderweireld, Tanganga, Georgiou, Winks, Skipp, Lamela, Dele, Son, Parrott.

SIDOO KALE AKHRISO:  Lionel Messi Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Goolkii Ugu Fiicnaa Xilli Ciyaareedka Ee Yurub (Daawo Goolka)

Bedel: Whiteman, De Bie, Vertonghen, Foyth, Marsh, Lyons-Foster, Sissoko, Ndombele, Roles, Bowden, Eriksen, Lucas Moura, Kane, White

Juve: Buffon, de Sciglio, Rugiani, Bonucci, Cancelo, Pjanic, Emre Can, Matuidi, Bernardeschi, Ronaldo, Mandzukic.

Bedel: Szczesny, Pinsoglio, Loria, de Ligt, Demiral, Di Pardo, Coccolo, Beruatto, Rabiot, Kastanos, Muratore, Toure’, Frederiksen, Pereira, Higuain, Mavididi.