Juventus Oo Guul Raaxo Leh Ka Soo Gaadhay AC Milan Oo Ay Marti U Ahayd Iyo Gonzalo Higuain Oo Laba Gool Wanaha Ku Gooyay Jamaahiirta Milan Oo Boodhadh Ku Maadsi Ah Juventus Kaga Cadhaysiiyay.

Juventus ayaa kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee AC Milan ku soo garaacday garoonkeeda Stadio Giuseppe Meazza iyada oo Gonzalo Higuain uu Milan ciida ku soo rogay. Xidiga ree Argentina ayaa laba gool ka dhaliyay kulankan si uu Old Lady ugu soo gacan galiyo saddex dhibcood oo la micno ah lix dhibcood.

Juvnetus ayaa dhibco la wadaagta kooxda hogaanka Serie A haysa ee Napoli inkasta oo ay kulan dheeraad ah ciyaartay waxayna Juventus yeelatay 28 dhibcood halka Napoli ay iyaduna 28 dhibcood haysato balse ay kulankeeda ciyaarayso.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Milan XI (3-4-2-1): Gianluigi Donnarumma; Ricardo Rodriguez, Alessandro Romangnoli, Cristian Zapata; Fabio Borini, Lucas Biglia, Franck Yannick Kessie, Ignazio Abate; Hakan Calhanoglu, Suso; Nikola Kalinic.

Juventus XI (4-2-3-1): Gianluigi Buffon; Stephan Lichtsteiner, Daniele Rugani, Giorgio Chiellini, Kwadwo Asamoah; Miralem Pjanic, Sami Khedira; Juan Cuadrado, Paulo Dybala, Mario Mandzukic; Gonzalo Higuain.

DAQIIQADII 23 AAD Juventus ayaa neefta dib ugu celisay jamaahiirta San Siro ee garoonka soo dhigay boodhadh ay ugu maadsanayeen guuldaradii Old Lady ka soo gaadhay finalkii Champions Leaque waxaana goolka furitaanka ee jamaahiirta AC Milan wadnaha gooyay dhaliyay Gonzalo  Higuaín kaas oo si qurux badan oo cajiib ah uga faa’iideeyay kubbad caawin uu ka helay Paulo Dybala, waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay hogaanka ciyaarta ku qabtay kooxda martida ahayd ee Juventus.

AC Milan ayaa heshay fursado cajiib ah oo ay ugu yaraan goolka barbaraha kula iman kartay laakiin qaybtii hore ee ciyaarta waxay ku fashilantay in iyada oo garoonkeeda joogta ay waqtigii nasashada u baxday iyada oo Juventus 1-0 hogaanka ciyaarta ugu haysay.

Laakiin markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta AC Milan ayaa si buuxda ugu fashilantay in ay soo laabasho samayso waxaana taas badalkeeda guul raaxo leh gaadhay kooxda martida ahayd ee Juventus iyada oo awooday in ay keensato goolka ay ciyaarta hurdada ugu dirtay.

DAQIIQADII 63 AAD Gonzalo Higuain ayaa gool kale oo qurux badan ugu qubeeyay kooxda qaab difaaca liidata la soo xaadirtay ee Milan wuxuuna xidiga ree Argentina markan dhaliyay goolka ay Juventus guusha ku xaqiijisatay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Milan waji gabax kula kulmayso.

Intaa kadib waxay ciyaartu noqotay mid lagu kala calaf qaaday isla markaana ay Juventus saddexda dhibcood jeebka sarre ku ridatay iyada oo Milan si buuxda ugu fashilantay in ay xataa hal gool la timaado waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 2-0 ay Juventus ku soo garaacday Milan.

Comments

comments