Juventus Oo Faa’ido Aanad Ogayn Ku Qabta Cristiano Ronaldo & Shirkadaha Heshiisyada Kula Jira Oo Haatanba Lacago Saddex Laab Ah Siinaya.

Kooxda Juventus ayaa xilli ciyaareedkii hore lasoo wareegtay Cristiano Ronaldo, Heshiiskaas ayaan kaliya ahayn mid manfac u leh Juve marka garoonka lagu jiro balse sidoo kale banaanka garoonka ayuu si weyn uga anfacay.

Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkiisii koowaad si aad ah ugu soo shaqeeyay kooxdiisa isaga oo ku guuleeyay koobabka Italian Super Cup iyo waliba horyaalka Serie A oo ay markoodii siddeedaad oo xidhiidh ah kusoo guuleysteen.

Dhinaca abaalmarinaha shaqsiga ah CR7 ayaa loo doortay inuu ahaa ciyaartoygii ugu qiimaha badnaa horyaalkaas ee xilli ciyaareedkii tagay.

Haddaba, Marka laga yimaado shaqadaas wacan ee uu garoonka kasoo dhex qabtay, Ronaldo ayaa sidoo kale Bianconeri ka caawiyay in barahooda bulshadu ay sameeyaan kor u kac aad u balaadhan oo 68% ah.

Juve ayaa maalintii ay Ronaldo lasoo saxiixatay baraheeda bulshada oo dhan ku haysatay 49.7 Milyan balse kor u kac aad u badan oo ay haatan samaysay ayay ku gaadhay 83.8 Milyan waana faa’ido uu usoo hooyay kabtanka Portugal.

Arrintan ayaa ah mid Juventus faa’ido weyn u leh marka ay noqoto heshiisyada cusub ee ay shirkada la saxeexanayso waxaana ay haatanba heshiis sanadkii 51 Milyan ah la gaadhay shirkada Adidas isagoo taxnaan doona qandaraaskaasi ilaa 2027.

Dhinaca kale wargeyska Tuttosport ayaa sheegaya in shirkada Jeep ay diyaar u tahay inay saddex jibaarto lacagta 16-ka Milyan ah ee ay haatan sanadkii siiso iyadoo gaadhsiinaysa 50 Milyan.