Juventus Oo Dhisatay Koox Ku Guuleysan Karta Champions League & Sida Ay Noqon Karto Shaxdooda Xilli Ciyaareedka Danbe

Marka laga soo tago saxiixii ay ka dulqaadeen kooxo badan Matthijs de Lgt, Juventus waxa ay sidoo kale la soo wareegtay Adrien Rabiot, Aaron Ramsey, Wesley iyo Gianluigi Buffon oo dhamaantood si bilaash ah ku yimid.

Waxaa sidoo kale yimid Luca Pellegrini oo ay 20 milyan ginni ugu soo iibsadeen Roma, Cristian Romero oo ay 23.3 milyan ginni uga soo gateen Genoa, Merih Demiral oo ay 16.1 milyan ginni uga soo iibsadeen kooxda Sassuolo iyo Luca Zanimachhia oo ay 4 milyan ginni uga keensadeen Genao.

Waxaana dhamaan ciyaartoydan cusub ay siineysaa tababare Sarri koox aad u xoog badan. Xaqiiqdiina waxa ay uu heystaan koox xoog badan oo xitaa uusan waxba u arkin inuu iibiyo Gonzalo Higuain oo ahaa ciyaaryahan uu si adag ugu dagaalamay saxiixiisa markii uu joogay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Sidaan ayay noqon kartaa shaxda Sarri xilli ciyaareedkiisa ugu horeeya ee Juventus:  Szczesny; Cancelo, De Ligt, Chiellini, Alex Sandro; Ramsey, Pjanic, Rabiot; Douglas Costa, Ronaldo, Dybala.

Haddii aysan shaxdiisa ku cabsi gelinin waxaa iyadana cabsi gelin lahaa ciyaartoyda keydka oo uu maalinta uu doono soo safi karo. Shaxda ciyaartoyda keydka ayaa ah: Buffon; Cuadrado, Bonucci, Rugani/Demiral, De Sciglio; Emre Can, Bentancur, Matuidi; Bernardeschi, Kean, Mandzukic.

Aaron Ramsey ayaa door weyn ka ciyaari doona kooxda Sarri ee Juventus. Tababaraha ayaa taageere weyn u ah ciyaaryahankii hore ee Arsenal waa ciyaaryahan wax difaacan kara, weerar qaadi kara islamarkaana goolal dhalin kara. Booska uu ku soo bilaaban doono waxa ay noqon doontaa garabka midig ee seddexda khadka dhexe iyadoo la filayo inuu ka garab ciyaaro saxiixa cusub kale ee Rabiot iyo Pjanic.

Afka hore waxaa jooga Cristiano Ronaldo. Wixii ugu horeeyay ee Sarri uu sameeyay markii loo magacaabay tababaraha Juventus waxa ay aheyd inuu wacay Ronaldo oo uu kula kulmay dalka Gariiga. Wuxuu u sheegay inuu ka ciyaari karo booskii uu doono haddii ay ahaan laheyd N0.9 ama garabka bidix ee weerarka.

Ronaldo ayaana isku dayayay inuu labada boosba ka ciyaaro intii uu tababarka la sameynayay kooxda xagagan iyadoo Sarri uu ku yiri: “Meel walba oo aad ka ciyaarto waxaad noqon doontaa hogaamiyaheyga, waxaana ciyaari doonaa kubad soo jiidasho leh si aad u dhaliso goolal badan oo aad u badan.”

Kubad soo jiidasho leh ayay Juventus muhim u ah iyada iyo taageerayaasheedaba. Allegri guulo waa weyn ayuu gaarsiiyay kooxda laakiin kubadooda ma aheyn mid soo jiidasho leh. Juve ciyaarta ayaa maamuli jirtay ilaa iyo ay gool ka dhaliso ka dibna difaac ayay xiran jireen.

Sarri ayaa la warqaba in ciyaartoy tiro yar sida Paulo Dybala iyo Douglas Costa inaysan ku faraxsaneyn ka hoos ciyaaristoodii Allegri gaar ahaan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxaana tababaraha cusub uu doonayaa inuu dib ugus oo darro safka kooxda.

Labada xiddig waa hanti qaali ah haddii sida saxan loo isticmaalo, haddii Ronaldo uu ka ciyaaro booska gooldhaliyaha, labadaan xiddig duufaan ka kicin doona garbaha weerar.