“Juventus Cabsi Yar Ayay Naga Qabtay, Real Madrid-na Sidoo Kale Ayay Ahayd” – Tababaraha Ajax Oo Ku Jees-Jeesay Kooxihii Waaweynaa Ee Ay Champions League Kasoo Khaarijiyeen.

Tababaraha kooxda Ajax ee Erik Ten Hag oo saxaafada u warramay kaddib kulankii ay guusha weyn xalay ka gaadheen Juventus ayaa u muuqday mid ku camirtay kooxaha waaweyn ee ay kazoo cidhib tireen Champions League xilli ciyaareedkan.

Dabcan Ajax waa mid kamid ah kooxaha ugu waaweyn qaarada Yurub taasna wax shaki ahi marnaba kama taagna balse inay yihiin kooxda ugu yar tartanka da’da ciyaartoyda ahaan ayaa layaab ku noqotay inay ka takhalusaan kooxo wata duqeynti khubaro ku ah tartankan.

Kaddib markii ay xilli horeba tartanka kazoo reebeen kooxda saddexda jeer ee xidhiidhka ah soo hanatay xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay ee Real Madrid haddana wiilasha da’da yar ee Ajax ayaa reebay Old Lady oo Turin joogta hammi weynina ku jiray xilli ciyaareedkan iyaga oo goolasha kulankaas uga mahad celinaya Van De Beek iyo kabtan Matthijs De Ligt.

Ten Hag ayaa sheegay inay si guud ahaaneed habeen weyn ugu ahayd kubadda cagta Holland isaga oo dhinaca kale xusay in kooxaha ay soo reebeen ay ahaayeen kuwo wax yar ka cabsi qaba iyaga.

Tababare Erik ayaa yidhi “Waxaan filayaa inay habeen cajiib ah u ahayd Ajax, Ciyaartoyda iyo kubadda cagta Dutch-ka, Waxaanu markale tartanka ka saarnay mid kamid ah kuwa ugu cad cad Champions League, Anaga oo adeegsanayna falsafadayada, Waxaanu tagi karnaa meel dhaafsan xuduudahayaga markale ayaananu samaynay”

“Waad arki kartaa in Juve wax yar naga cabsanayso anaga sidaas ayay ahayd Real Madrid-na, Aad ayay u adagtahay in lala ciyaaro qaab shaxaneedkayaga kubadda cagta maadaama oo aanu haysano ciyaartoy farsamo ahan hibo leh wayna adagtahay in nala cadaadiyo”

Dhinaca kale Ajax ayaa haatan sugaysa kooxda xigta ee ay la ciyaari doonaan wareega afar dhammaadka CL iyaga oo sugu doona mida soo baxda Manchester City iyo Tottenham oo caawa kala bixi doona.