Juventus & AC Milan Oo Xasuuq Gaystay, Napoli Oo Guul Soo Laabasho Cajiib Ah Gaadhay, AS Roma Oo Saddexda Dhibcood Heshay Natiijooyinka Dhaaman Kulamadii Caawa Laga Ciyaaray Horyaalka Serie A.

Kulamo xiiso badan ayaa caawa laga ciyaaray horyaalka Talyaaniga ee Sier A waxaana guulo waa wayn gaadhay kooxda Juventus iyo AC Milan halka Napoli ay guul soo laabasho ah gaadhay waxaana sidoo kale guul cidhiidhi ah saddexda dhibcood ku qaadatay AS Roma.

Aan ku horaynee kooxda Napoli ayaa ka soo kabsatay gool ay kooxda Genoa kaga hormartay oo uu daqiiqadii 4 aad u dahlyay Taarbat waxaana kulankan wacdaro cajiib ah dhigay Dries Mertens kaas oo u haystay in uu saddexley goolal ah dhaliyay inkasta oo goolkii ugu danbeeyay lagu qoray mid iska dhalis ah.

Dries Mertens ayaa Napoli dib guu soo celiyay hogaanka horyaalka Serie A kadib markii uu goolkiisii hore dhaliyay daqiiqadii 14 aad balse uu markale daqiiqadii 30 aad raacsaday goolka ay kooxdiisu markiiba dhinaca kale ugu dhigtay natiijada ciyaarta balse daqiiqadii 60 aad ayuu u muuqday mid hdaliyay goolka saddexaad ee Napoli balse waxaa goolkan ugu danbayn lagu qoray mid uu iska dhaliyay xidiga Genea ee E. Zukanović.

Inkasta oo ay daqiiqadii 76 aad kooxda martida loo ahaa ee Genea ay heshay goolkeeda labad oo uu dhaliyay Izzo ayay Napoli ka badbaaday in ay wax dhibco ah lumiso taas oo keentay in ay gadaal iska soo mariso Inter Milan oo muddo 24 saacadood ah hogaanka Serie A sii haysay. Napoli ayaa guushan ku gaadhay 3-2 ay wali soo laabasho cajiib ah samaysay.

Dhinaca kale kooxda koobka horyaalka Talyaaniga difacaanaysa ee Juventus ayaa xasuuq u gaystay kooxda SPAL waxayana Old Lady guushan ku gaadhay 4-0 iyada oo  goolashan ay kala dhaliyeen F. Bernardeschi (14) P. Dybala (22) G. Higuaín (65) J. Cuadrado (70) halka kooxda SPAL uu goolka madiga ah u dhaliyay  Paloschi (34).

Juventus ayaa kaalinta saddexaad ugu jirta 25 dhibcood oo ay ka soo heshay 10 kulan waxaana ka horeeya Napoli oo 28 dhibcood yeelatay halka Inter Milan ay kaalinta labaad ugu jirto 26 dhibcood kadib markii ay 10 kulan soo ciyaartay.

Kooxda AC Milan ayaa dhinaceeda goolal ku qarqisay Chievo oo ay marti u ahayd waxayna Milan iyaduna guul wayn ku soo gaadhay 4-1 iyada oo gool cajiib ah uu Suso hogaanka ugu dhiibay daqiiqadii 36 aad laakiin waxaa Milan goolasha kal u dhaliyay B. Cesar (42 og) H. Çalhanoğlu (55) N. Kalinić (64) iyada oo Chievo uu goolka kaliya u saxiixay V. Birsa (61).

Ugu danbayn AS Roma ayaa gool kaliya oo uu daqiiqadii 10 aad u dahliyay Perotti waxay guul kaga gaadhay kooxda Crotone oo marti u ahayd waxayna guushani Roma ka caawisay in ay kaalinta shanaad ugu jirto 21 dhibcood iyada oo kooxaha waa wayn ee Serie Ay ay usbuucan guulo wada gaadheen.

Halkan Kaga Bogo Dhamaan natiijooyinka Kulamadii 10 aad Ee Serie A

Sidoo Kale Halkan Kaga Bogo Kala Saraynta Serie A Ee Kadib Kulamadii 10 aad Ee La Ciyaaray:

Comments

comments