Jurgen Klopp Oo Si Weyn U Difaacay Mohamed Salah, Kadib Kulankii Premier League Ay Chelsea Barbaraha Kula Galeen Stamford Bridge.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si weyn u difaacay ciyaaryahankiisa reer Masar ee Mohamed Salah, kadib qaab ciyaareedkii uu ka sameeyay kulankii Chelsea ee horyaalka Premier League, xili uu laacibka xili ciyaareedkan helayo dhaleeceeno kala duwan.

Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa wali ku sii jiri doona rekoodhka guuldaro la’aanta Premier league kadib markii ay barbaro 1-1 ah ku galeen Stamford Bridge. Chelsea ayaa waqti dheer hogaanka ciyaarta ku haysay gool uu Eden Hazard dhaliyay laakiin dhamaadkii ciyaarta Daniel Sturridge ayaa gool cajiib ah Reds kaga badbaadiyay guuldaro soo gaadhi lahayd.

Mohamed Salah ayaa ku soo bilaawday kulankan kahor inta aan la badalin daqiiqadii 66-aad ee qeybtii labaad ciyaarta, kadib markii uu ku guuldareestay inuu soo bandhigo qaab ciyaareed lagu qanci karo inta uu garoonka ku gudi jiray, taasoo ugu dambeyn uu go’aansaday Jürgen Klopp inuu badalkiisa keensado laacibka reer Switzerland ee Xherdan Shaqiri.

Hadaba wargeyska “Daily Star” ee dalka England ayaa wuxuu soo xigtay wareysi uu bixiyay macalinka reer Germany wuxuuna yidhi: “Qof walba ayaa maraya marxaladan oo kale, laakiin Mohamed Salah weli wuxuu sameenayaa qaab ciyaareed heersare ah”.

Jürgen Klopp ayaa intaas kadib wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: “Mohamed Salah wuxuu wali halis buuxda ku yahay kooxaha inaga soo hor jeeda, taasina waa wax aad u wanaagsan, waa inaan la shaqeynaa xaaladahan oo kale, mana ahan wax aad u adag”.

Si kastaba 7-dii kulan ee laga soo ciyaaray xili ciyaareedkan horyaalka Premier League, laacibka reer Masar ee Mohamed Salah ayaa dhaliyay kaliya 3 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 1 gool kale, taasoo sababtay in si weyn xili ciyaareedkan loo dhaleeceeyo qaab ciyaareedkiisa, marka loo fiiriyo wax qabadkiisa sanadkii lasoo dhaafay.