Jurgen Klopp Oo Si Toos Ah U Hor Fadhiistay Mulkiilayaasha Liverpool & LABA Ciyaartoy Oo Uu Saxeexooda Qorsheeyay Oo La Shaaciyay.

Macalinka kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu soo warramayaa inuu la kulmay shaqsiyaadka iska leh mulkiyada kooxdiisa isagoo kala xaajooday arrimaha suuqa ee kooxda iyadoo ay inta badan kooxaha Yurub wakhtigan ku mashquulsan yihiin qorshaynta suuqa xagaaga.

Klopp ayaa wadahadalka la yeeshay kooxda lagu naanayso FSG ee iska leh kooxdiisa xilli uu isha ku hayo inuu xagaaga sameeyo saxeexyada xiddigo ay ugu muhiimsan yihiin labaleyda horyaalka Germany isku muujinaya ee Jadon Sancho iyo Timo Werner.

Image result for Werner and Sancho

Sancho iyo Werner ayaa labadaba lala xidhiidhinayay Anfield suuqa xagaaga soo socda xilli uu Jurgen Klopp doonayo inay guusha kooxdiisa ee xilli ciyaareedkani noqoto mid aan hakanin.

Il wareedka laga helayo xogta ah inuu Klopp la hadlay Fenway Sports Group oo fadhigoodu yahay Boston ayaa ah Mirror oo ku doodaya inuu tababaraha ree Germany kala tashaday madaxdiisa lacaga u diyaarka ah suuqa.

Werner oo kamida weeraryahanada haatan ugu wanaagsan Yurub dhawr jeerna si cadaan ah u amaanay Liverpool ayaa heshiiskiisa RB Leipzig kaliya lagu jabin karaa 50 Milyan oo Pound.

Dhinaca kale Sancho ayaa noqonaya qiimo ahaan mid sarreeya oo ka badan 100 Milyan balse hadalkii dhawaan kasoo yeedhay madaxa Borussia Dortmudn ee Joachim Watzke ee uu ku sheegay inay kooxaha kala hadli doonaan iibkiisa haddii uu isagu doonayo bixitaan.