Jürgen Klopp Oo Si Adag U Difaacay Weeraryahanada Uu Haatan Ku Heysto Garoonka Anfield. Kadib Natiijo Xumida Liverpool Ay La Kulantay Kulamadii Lasoo Dhaafay.

Tababaraha kooxda Liverpool Jürgen Klopp ayaa wuxuu si weyn u difaacay falsafadiisa dhanka weerarka kooxdiisa, inkastoo ay ciyaaryahanadiisu kulamadii lasoo dhaafay ay iska lumiyeen fursado dhowr ah ay Reds ku gaari kartay guulal muhiim ah kulamada tartamadii kala duwanaa ay kasoo ciyaareen.

Jürgen Klopp ayaa wuxuu u sheegay “The Mirror” inuu si xoogan ugu faraxsan yahay saddexda weerar uu haatan ku heysto garoonka Anfield, wuxuuna sheegay inuusan dooneyn inuu ku badasho weeraryahan kale.

Hadaba macalinka ree Germany ayaa waxyaabihii uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa: “waxaan ku faraxsanahay saddexda aan ku heysto dhanka weerarka, runtii madoonayo inaan ku badasho weeraryahan kale, waxaan heysanaa Roberto Firmino inkastoo xili ciyaareedka uusan dhalin 25 gool, hadana wuxuu leeyahay waxyaabo badan oo looga faa’ideysan karo”.

Jürgen Klopp ayaa sidoo kale hadalkiisa intaa kusii daray: “Daniel Sturridge wuxuu kasoo laabtay dhawaan dhaawacii uu qabay, wuxuuna qaadanayaa waayo wanaagsan, waxaana qabaa in kooxo England ah ay ku tartamayaan saxiixa Sturridge, sababtoo ah awoodiisa jireed haatan waa mid aad u wanaagsan”.

“Qaar ka mid ah dadku waxay ka hadlayaan ina badan fursadihii ay lumiyeen kulankii Spartak Moscow xidigaha Roberto Firmino iyo Mohammed Salah, laga yaabee in dhaliyaha kooxda Tottenham Hotspur Harry Kane hal ama laba gool uu ka dhaliyo fursadaha aan inta badan iska lumino, laakiin si la mid ah wuxuu qasaariyaa fursado dhowr ah”.

Si kastaba ayaan wax guul ah kasoo gaadhin labadii kulan ay kasoo ciyaartay heerka group-yada tartanka Champions League-ga xili ciyaareedkan, kadib markii ay kooxda ree Spain ee Sevilla ay la gashay barbaro 2-2, halka sidoo kale kulankii Spartak Moscow ay ku kala baxeen 1-1.