Jurgen Klopp Oo Markale Ka Hadlay Qaladaadkii Foosha Xumaa Uu Loris Karius Ka Sameeyay Kulankii Real Madrid Ee Finalka Champions League.

Macalinka kooxda Liverpool ee reer Germany Jurgen Klopp ayaa wuxuu xaqiijiyay in goolhaayaha ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Loris Karius uu la kulmay dhaawac dhanka madaxa ah inta lagu gudi jiray kulankii finalka Champions League ay kula ciyaareen kooxda Real Madrid.

Jurgen Klopp ayaa u sheegay shabakada Liverpool: “Ma garanayo waxa ay dadku ku fekerayaan ama ay u malaynayaan, waxa kaliya ee aan dhihi karo waa inuu miyir belay Loris Karius “.

Macalinka kooxda Liverpool ayaa wuxuu hadalkiisa kusii daray: “Ma u isticmaali karno dhaawiciisa marmarsiyo, laakiin waxaan u dhaqmeynaa in aan sharaxaad kaga bixino, guuldaro kulan kama dambeys ah, way adag tahay, waxaan u baahanahay maalmo yar, si aan u ogolaano waxa ka dhacay ciyaarta”.

Klopp ayaa ayaa intaas kadib sii sheegay: “Waxaa i la soo xiriiray Franz Beckenbauer iyo Bobby Moore, waxayna ii xaqii jiyeen in Loris Karius uu dhaawac kasoo gaaray dhanka maskaxda inta kulanka uu socday”.

“Ma jirin wax cad ee iiga muuqday, booskeyga garoonka gudihiisa, laakiin waxaan soo qaadanay dhamaan sawirada dhanacyada kala duwan ee garoonka, si aan u daawano waxa dhacay”.

Jurgen Klopp ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Uma adeegsan karo wax dhacay Loris Karius, si aan marmarsiyo kaga dhigano guuldarada kulankii finalka. Karius waligiis sidaas ma sameynin, laakiin waa inaan sharaxnaa wixii dhacay intii lagu jiray ciyaarta”.

Si kastaba kooxda Liverpool ayaa la kulantay guuldaro 3-1 kulankii finalka ay Real Madrid kula ciyaareen magaalada Kiev, taasoo ka dhigtay Los Blancos inay ku guuleesatay markii saddexaad xidhiidhka tartanka Champions League.