Jurgen Klopp Oo Loogu Codeeyay Tababaraha Waqti Xaadirkan Aduunka Ugu Fiican-Iyo Ragga Uu Codkan Ku Garaacay.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa codbixin la sameeyay waxa uu kaalinta kowaad ku noqday macalinka waqti xaadirkan aduunka ugu fiican.

Wixii uu Jurgen Klopp ka soo sameeyay Liverpool xili ciyaareedkan iyo guud ahaan muddadii uu Anfield joogay ayaa dad badan soo jiidatay inkasta oo aanu wali wax koobab ah ku guulaysan.

Jurgen Klopp ayaa amaan badan ku helay qaabkii ay kooxdiisa Liverpool xili ciyaareedkan uga soo shaqaysay tartanka Champions League iyo Premier league inkasta oo wali ay Reds sugayso finalka UCL.

Haddaba laba liis oo tababarayaasha xili ciyaareedkan ugu fiican ah ayaa loo sameeyay codbixin ay jamaahiirta kubbada cagta aduunku cod ku kala saarayeen waxaana codkii ugu badnaa helay Klopp.

Codbixintan ayaa ka koobnayd Group 1 oo ay ku jireen afarta tababare ee kala ah Diego Simeone, Pep Guardiola, Erik Ten Hag oo Ajax wacdaro ka soo dhigay iyo macalinka Tottenham ee Mauricio Pochettino.

Laakiin Pep Guardiola ayaa Group 1 ka noqday macalinka codka ugu badan oo boqolkiiba 68% ah kaalinta kowaad kaga soo baxay.

Group 2 waxaa kuwada jiray Jurgen Klopp, Zinedine Zidane, Maurizio Sarri, iyo Massimiliano Allegri waxaana kaalinta kowaad cod aqlabiyad ah oo boqolkiiba 82% ah kaga soo baxay Jurgen Klopp.

Kadib waxaa codbixin labaad loo sii qaaday Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola oo noqday labada tababare ee labada Group codka ugu badan ka helay.

Laakiin Jurgen Klopp ayaa boqolkiiba 57% ka helay codbixinta labaad si uu Pep Guardiola ugu garaaco macalinka waqti xaadirkan aduunka ugu fiican wuxuuna Guardiola helay boqolkiiba 43%

Halkan Kaga Bogo Codbixinta Iyo Qaabkii Loo Kala Helay:

Group 1

Group 2

Codka Kaalinta Kowaad Loogu Kala Baxay: