Jurgen Klopp Oo Kahor Kulanka Caawa Ee FC Porto Sheegay In Liverpool Ay Qeyb Ka Tahay Kooxaha Xili Ciyaareedkan Ku Dagaalamaya Ku Guuleysiga Champions league-ga & Sababta Uu U Yidhi.

Tababaraha reer Germany Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in Liverpool ay mar hore banaanka soo dhigtay awooda ay ugu dagaalami karto ku guuleysiga Champions League-ga xilli ciyaareedkan, kadib markii ay awoodeen inay garaacaan kooxda ugu fiican qaarada yurub sanadan sida ay tahay aragtidiisa ee Manchester City.

Kooxda reer England ee Liverpool ayaa caawo marti u noqon doonya kooxda FC Porto, si ay u wada ciyaaraan kulanka lugta hore ee UEFA Champions league-ga, kaasoo lagu baasan doono garoonka kooxda reer Portugal ee Estádio do Dragão. Laakiin Reds ayaa waxay dooneysaa in si adag ay ugu dagaalanto tartankan, madaama ay ay adag tahay in horyaalka Premier League-ga ay kula dagaalanto Manchester City oo dhibco fara badan ku hogaamineysa.

Jurgen Klopp oo shirkiisa Jaraa’id lagu weydiiyay in sanadan ay kooxdiisa Liverpool awoodo inay si adag ugu dagaalanto tartanka Champions league-ga ayaa wuxuu yidhi: “Waxaan qabaa in kooxda ugu fiican Yurub xilli ciyaareedkan ay tahay Manchester City, waxaana lasoo ciyaarnay 2 kulan, waxaana ku hor sameenay qaab ciyaareedka ugu fiican, sababtoo ah waxaan ka war qabnaa muhiimada kulamada sidan oo kale ah”.

Macalinka reer Germany ayaa wuxuu hadalkiisa intaas sii raaciyay: “Waxaan sidoo kale la soconaa in Paris Saint-Germain ay xili ciyaareedkan bixineyso qaab ciyaareed cajiib ah, waxaan nafteena isla meel dhigi karnaa iyagu, sababtoo ah waxaan lasoo ciyaarnay Manchester City waana kasoo guuleysanay, waana sababta aan ula sameeneyno Liverpool kooxaha kale ee aadka u wanaagsan”.

Dhinaca kale laacibka reer Brazil ee Roberto Firmino ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu sameyn doono wax walbo oo ay awoodiisu tahay si uu u caawiyo saaxiibkiis reer Egypt ee Mohamed Salah isla markaana loo xaqiijiyo in Liverpool ay kasoo guuleysato kooxda Porto kulanka ay caawi isku arki doonaan lugta koowaad wareega 16-ka tartanka Champions League-ga.

Roberto Firmino oo ka hadlayay kulanka Porto ayaa wuxuu yidhi: “Waxaan si wacan u garaneynaa kulanka aan la ciyaari doono kooxda Porto, sababtoo ah wuxuu noqqon doonaa kulan aad u adag”.

Sidoo kale laacibka reer Brazil ayaa wuxuu ka hadaly dareenkiisa kaga aadan xili ciyaareedkan inuu kaalinta labaad kaga jiro dhanka gool dhalinta Champions League-ga kadib Cristiano Ronaldo wuxuuna yidhi: “Waxaan diirada saaraa oo kaliya inaan ciyaaro kulan aad u wanaagsan, haddii aan ciyaaro kulan fiican, waxaa imaaneysa oo la socon doonta inaan dhaliyo goolal”.

1 Comment

Comments are closed.