Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Sababtii Uu Van Dijk Maanta Ku Seegay Tababarkii Kooxdiisa-Miyuu Kulanka Adag Ee Man City Seegayaa?

Advertisements

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay in difaaca kooxdiisu inta ugu badan ku tiirsan tahay ee Virgil van Dijk uu seegay tababarkii maanta ee ay Reds ugu diyaar garoobaysay kulanka adag ee Manchester City.

Jurgen Klopp ayaa qabtay shirkiisa jaraa’id ee ka hooreeya kulanka Liverpool ay soo dhawaynayso Manchester City wuxuuna hoos u dhigay cabsida ay taageerayaasha Reds ka qabeen in Van Dijk uu maanta oo jimce ah seegay tababarkii kooxdiisa.

Advertisements

Jurgen Klopp ayaa cadeeyay in sababo gaar ah uu Van Dijk maanta oo jimce ah ku seegay tababarkii kooxdiisa laakiin waxa uu cadeeyay in difaaca reer Holland uu gabi ahaanba fiican yahay.

Hadalka uu Jurgen Klopp ku cadeeyay in Van Dijk uu sababo kale ku seegay tababarkii kooxdiisa ee maanta ayaa walal badan oo ay taageerayaasha Reds dareemeyeen meesha ka saaray.

Advertisements

Van Dijk ayaa ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee shaxda Jurgen Klopp waxayna axada Liverpool soo dhawanaysa Manchester City waxaana loo arkaa kulankii ugu muhiimsanaa ilaa hadda xili ciyaareedka Premier league.

Jurgen Klopp oo ka hadlaya maqnaanshihii maanta ee Van Dijk uu ku seegay tababarkii kooxdiisa Liverpool ayaa yidhi: “Virgil muu joogin tababarka halkan ee sababo kale, laakiin gabi ahaanba wuu fiican yahay”.

Dhinaca kale Jurgen Klopp ayaa ka hadlay xaaladaha saddexda xidig ee kala ah Jordan Henderson, Joel Matip iyo Shaqiri wuxuuna yidhi: “Jordan wuu fiican yahay, Joel ma fiicna, Shaqiri isna waa la mid”.

Advertisements