Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Meelaha Uu Ka Liito Xidiga Kooxdii Liverpool Ugu Muhiimsan Ee Mohamed Salah, Isagoo Dhinaca Kale Weydiistay Inuu Saxo.

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa daaha ka qaaday fariin muhiim ah uu u diray xidiga ugu muhiimsan safka Reds iyo xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah, kaasoo xili ciyaareedkan bandhig cajiib ah ka sameenaya horyaalka Premier League.

Mohamed Salah ayaa sii dheereystay gool dhalinta horyaalka Premier League kadib marka uu dhaliyay xili ciyaareedkan 30 gool, xili xidiga kaalinta labaad ku jira ee Harry Kane uu heysto 25 gool, Salah ayaa sidoo kale doonaya in si adag uu kula dagaalamo abaal marinta gool dhalinta yurub xidigaha Messi iyo Ronaldo.

Si kastaba Jurgen Klopp ayaa aaminsan in ay muhim u tahay Salah in uu si geesinimo leh kaga ciyaaro goolka hortiisa, lakiin ay muhiim tahay in saaxiibadiis uu u gudbiyo kubada inta badan si loo qabto shaqo lagu dhisi karo ciyaarta.

Tababaraha reer Germany ayaa ku sheegay wareysi uu bixiyay mar la weydiiyay su’aal ku aadan in Mohamed Salah ay heysato dhibaato dhanka maskaxda ah, sababa la xidhiidha inuu yahay murushax u taagan ku guuleysiga abaal marinta xiddiga sanadka ee horyaalka Premier League.

Si kastaba Jurgen Klopp ayaa u sheegay saxaafada: “Salah waa inuu geesinimo muujiyaa, waxaan dooneynaa inuu goolal ku dhalin karno si xidhiidh ah, isbuucyo kahor waxaan u sheegay in mid ka mid ah kulamada uu saaxiibadiis u gudbiyo kubadaha inaga dhexeysa, waa wax iska cad inuu si wanaagsan kaga war qabo”.