Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Guushii Ay Ka Gaadheen Spartak Moscow, Isagoo Sheegay Sidoo Kale In Kulamada Champions League-ga Iyo Premier League Uu Farqi Weyn U Dhexeeyo.

Liverpool ayaa si wanaagsan ugu raaxeysaneysa qorshaha uu ku maamulayo macalinka ree Germany ee Jurgen Klopp ee ah qaabka ugu fudud ay weeraryahanadu ku gaadhi gaaraan difaacyada kooxaha kasoo hor jeeda, wuxuuna hadalkan imaanayaa kadib markii ay weeraryahanada Reds 7-0 ku xasuuqeen kooxda Spartak Moscow kulankoodii 6aad ay xalay kuwada ciyaareen tartanka Champions League.

.Waa markii labaad ay Liverpool guul ku gaadheyso 7-0 kulamada heerka Groupyada Champions Leaque-ga, waxayna guul sidaan oo kale ay ka gaadhay kooxda Maribor, taasoo muujineysa awooda weyn wararka kooxda Liverpool ee ka kooban Afarta xid.

Waxaan kulankan saddexley goolal ah ka dhaliyay Philippe Coutinho halka Sadio Mane uu laba gool isna ka dhaliyay. Roberto Firmino ayaa dhiniciisa shabaqa soo taabtay halka Mohamed Salah uu isna dhamaadkii ciyaarta uu dhaliyay goolka todobaad ee Reds , taasoo ka dhigtay in Liverpool kooxda martida ahayd ee Spartak Moscow ay ku xasuuqday 7-0.

Hadaba marka uu kulanka soo idlaaday ayuu Jurgen Klopp la hadlay saxaafada wuxuuna u sheegay: “Ma Jirto qof rumeysnaa in xaaladu ay sidaan noqon doonto, sababtoo ah Spartak Moscow waa koox aad u adag, waxaan filayaa inaadan idinku rameysan waxa aan ku hadlayo, laakiin waa wax adag inaad kooxdan ka hor timaado, kulanka waxaan ku bilaawanay si wanaagsan oo aan ku gaadhnay difaacyada Spartak, runtii habeenka kani wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan oo cajiib ah”.

Jurgen Klopp ayaa sidoo kale hadalkiisa intaa sii raaciyay: “Hadaad I weydiisaan in kulamadii aan soo ciyaarnay bandhigu uu ahaa sidan oo kale, jawaabta aad iga heleysaan ayaa ah Haa, sababtoo ah xidiguhu waa kuwan oo kaliya, balse maanan dhalin goolal, laakiin hadii aan sii joogteeno qaab ciyaareedkan oo kale waa hubaan in meel wacan aan ka gaadhi doono dhamaan tartamada aanu qeybta ka nahay”.

Macalinka ree Germany ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Waxay ila tahay in tartanka Champions League-ga uu yahay mid ka fudud horyaalka Premier League, sababtoo ah kulanka isbuuca soo aadan aan la ciyaari doono Everton waa mid ka duwan kan aan la qaadanay Spartak Moscow, bal aanu aragno sida uu xaalku noqdo”.