Jurgen Klopp Oo Farta Ku Fiiqay SADDEX Kooxood Uu Uusan Liverpool La Doonayn Inay Ku Aado Siddeed Dhammaadka Champions League!!.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa kaddib guushii ay kasoo gaadheen Bayern Munich tilmaamay saddex kooxood oo uusan jeclayn inay ku aadaan wareega siddeed dhammaadka Champions League oo berri la samayn doono.

Liverpool ayaa Allianz Arena ku booqatay Bayern meelna iska soo saartay kooxda ree Germany iyaga oo kusoo guuleystay goolal ka kala yimid Sadio Mane (2) iyo Virgil Van Dijk.

Liverpool ayaa haatan isku aadka ku wajahi karta toddobada kooxood ee kala ah Barcelona, Juventus, Manchester United, Manchester City, Tottenham, Porto iyo Ajax.

Haddaba, Klopp ayaa sheegay inuu doonayo inay ku aadaan kooxaha kale ee qaarada Yurub ee afarta ah isla markaana ay ka fogaadaan saddexda kooxood ee ay kawada socdaan Englandd.

Jurgen oo arrimahaas ka warramaya ayaa yidhi “Dhammaanteen waynu samayn lahayn midaas, Dhammaanteen waxaanu ka odhan lahayn si isku mid ah marka la joogo Champions League oo ah ‘Aynu isku dayno la ciyaarista kooxaha ka socda Yurub’ laakiin waynu arki doonaa”

“Qof ayaa waxa uu la ciyaari doonaa qofkale laakiin waxba maaha inaan ka fikirno haatan, Cidkasta oo aanu  u helo ka koox naga soo horjeeda ahaan waanu la ciyaari doonaa wiilashanina way jecel yihiin tartanka xaqiiqdiina way ka helaan daqiiqadahan waxaana ay ku bixiyaan waxkasta, Anigu waan jecelahay”

Reds ayaa xilli ciyaareedkan hammi weyn ka leh Champions League oo ay xilli ciyaareedkii hore gaadheen kulanka kama dambeysta ah iyaga oo ugu dambayn ku fashilmay Real Madrid oo tartanka hanatay.