Jurgen Klopp Oo Ay Kaga Dhagtay Saxeexa Xiddig Barcelona Jooga, Man United Oo Ciyaartoy U Waayaysa Real Madrid & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Advertisements

Asslamu Callaykum Waraxmatullahi Wabarakatu, Dhammaan akhristayaasha sharafta leh ee shabakaga Gool24 kusoo dhawaada xubinteenii wararka suuqa kala iibsiga iyo xogihii ugu dambeeyay ee ay saxaafada kala duwani ka qortay.

Waxaanu halkan hoose idiinku soo koobnay wararka suuqa ee qaarada Yurub kuwoodii ugu muhiimsanaa ee ay warbaahinta kala duwani maanta oo Axad ah ay ka qoreen kubadda cagta.

WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA

Mustaqbalka daafaca ree England ee John Stones ee kooxda Manchester City ayaa ah mid su’aali saaran tahay iyadoo aysan wali kooxdaasi wax wada xaajood ah la furin xilli laba sano ay ka hadheen heshiiskiisa haatan. (Sunday Express)

Tottenham ayaa ku dhaw inay West Ham United ku garaacdo saxeexa Gedson Fernandes oo khadka dhexe uga ciyaara Benfica, Spurs ayaa heshiis amaah ah oo 18 bilood ah kusoo qaadan kara 21 jirkaas. (Sunday Mirror)

Wolves ayaa noqotay kooxda uu ku biiri karo garabka Atletico Madrid ee Thomas Lemar sababtoo ah xidhiidhka wanaagsan ee ay kooxdaasi la leedahay wakiilka ree Portugal ee Jorge Mendes. (Mundo Deportivo, via Sport Witness)

Manchester United aayaa rajaynaysa inay heshiiska Bruno Fernandes ee 60-ka Milyan ah ay ku darto laba ciyaartoy oo kooxdeeda ah oo uu kamid yahay Marcos Rojo kaas oo ku laaban kara kooxdiisii hore ee Sporting Lisbon. (Talksport)

Xiddiga kooxda Ajax iyo xulka Holland ee Donny Van De Beek ayaa ku biiri kara dhinaca Real Madrid walow uu bar-tilmaameed u ahaa Manchester United. (Sunday Mirror)

Manchester United ayaa hal mar oo kama dambays ah indho indhayn ku samayn doonta Boubakary Soumare oo ah 20 sano jir khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lille.. (Sunday Express)

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xiisaynaya inuu kooxdiisa kula soo saxeexdo garabka Barcelona ee Ousmane Dembele. (ElDesmarque – in Spanish)

Manchester United khadkeeda dhexe ee Nemanja Matic ayaa wadahadalo kula jira kooxda horyaalka Maraykanka ee Chicago Fire isaga oo kala xaajoonaya suurogalnimada heshiis uu sanadkii in ka badan shan Milyan ku qaadanayo oo uu ugu wareegayo. (Sun on Sunday)

Weeraryahanka kooxda Chelsea iyo xulka France ee Oliver Giroud ayaa heshiis la gaadhay Inter Milan waxaana la filayaa inuu suuqa xagaaga u wareegi doono. (Sunday Star)

Tababaraha kooxda Inter Milan ee Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday in Zlatan Ibrahimovic oo haatan AC Milan ku sugan uu saxeexiisa isku dayay markii uu Man United joogay isaguna uu tababaraha ka ahaa Chelsea. (Evening Standard)

Advertisements

Manchester United ayaa la tartamaysa xidigeedii hore ee David Beckham iyo kooxdiisa cusub ee Inter Miami iyagoo kula loolamaya saxeexa xiddiga kooxda Boca Juniors ee Agustin Almendra, 19. (Star on Sunday)

 

Advertisements