Jurgen Klopp Mise Pep Guardiola? – Halyeey Gary Neville Oo Solskjaer U Sheegay Tababaraha Ay Isku Shaqada Eeg-Yihiin Ee Ay Tahay Inuu Ku Daydo.

Daafacii hore ee kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa saaxiibkiisii hore ee kooxda ahna tababaraha haatan ee Red Devils Ole Gunnar Solskjaer u sheegay tababaraha ay tahay inuu kaga daydo xilka tababarenimo iyo wadooyinka la marayo.

Man United ayaa qaab aan wanaagsanayn kusoo bilaabatay xilli ciyaareedkan cusub ee 2019-20 kaddib markii ay kaliya hal guul ka heshay afartii kulan ee ugu horreeyay ee ay horyaalka ka ciyaareen.

Haatan Neville ayaa aaminsan in Solskjaer ay tahay inuu ku daydo tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp isla markaana uusan raacin talaabooyinka Pep Guardiola ee Manchester City.

Neville ayaa sababta ku sheegay in dhismaha uu Klopp ku sameeyay Liverpool iyo sidii uusan guulaha deg dega ugu keenin ay u eegtahay shaqada haatan ee Ole isla markaana uu wakhti u baahan doono sidii Klopp.

Gary Neville ayaa yidhi “Solskjaer wuxuu la shaqaynayaa saf lamid ah midkii uu Klopp ku helay Liverpool marka lala bar-bardhigo midkii uu City ku dhaxlay Guardiola”.

“Marka aad eegto aragtida qoddobkaad tani waxay Old Trafford ku noqonaysaa wakhti dheer waxaana uu noqonayaa wakhti jah-wareersan”.

“Waxa jiraya natiijooyin sidii kuwii Southampton, Wolves iyo Crystal Palace oo kale ah laakiin marka aad daawato kooxda wax-badan oo kamida sharciyadu waa sax, Waxay u muuqdaan kuwo u ciyaaraya wadada saxda ah”.

“Waxaad arkaysaa Daniel James oo dhalinaya goolkaas (Goolkii Southampton) waxaanad arkaysaa habka ay isku dayayaan inay u ciyaaraan, Hanaanka ciyaareed waa sax”.