“Jurgen Klopp Iyo Pep Guardiola Way Ku Dhibtoon Lahaayeen Inay Arsenal Yimaadaan Oo Ay Xaalada Dhinaca Kale U Rogaan, Waa Mid Kamida Shaqooyinka Ugu Xun Kubadda”.

Advertisements

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa ka dayriyay xaalada adag ee kooxdiisa iyo kursiga tababarenimo ee ka banaan Emirates Stadium isaga oo aaminsan inay tahay mid kamida shaqooyinka kubadda cagta kuwooda ugu adag.

Arsenal ayaa dhawaan caydhisay tababare Unai Emery kaddib toddoba kulan oo xidhiidh ah oo uu guul soo hoyn waayay waxaana ay intaas kaddib qaab kumeel gaadh ah shaqada ugu sii wareejiyeen Freddie Ljunberg kaas oo hal dhibic ka helay laba kulan.

Tababaraha ree Sweden ayaa dhawaan goob joog u ahaa kooxda kumeel gaadh ahaan ugu aamintay xilkeeda tababarenimo oo guuldarro 1-2 ah kala kulmaysa Brighton oo boosaska heerka labaad loogu dhaco ka cararaysay taas oo qasbaysa in kooxdu ay tababaraheeda xiga meel kale ka raadiso.

Haddaba, Merson oo hore u sheegay in tababaraha Leicester City ee Brendan Rodgers uu xaalada Arsenal bedeli karo haddii uu tago ayaa haatan aragtidiisa bedelay sheegayna in xataa Pep Guardiola iyo Jurgen Klopp ku adkaan lahayd inay natiijo wanaagsan keenaan Emirates.

Paul ayaa yidhi “Dhawaan waxaan idhi in Brendan Rodgers uu tagi doono Arsenal sababtoo ah baaxada kooxda laakiin kaddib usbuuc dhammaadkii iyo kulankii Khamiista, Waxaan ka fikirayaa maxay tahay waxa aad Arsenal u tagaysaa? Sabab? Maxaad halkaas ka qaban kartaa?”.

“Freddie sidaas uma sii xumaan karo laakiin waxa uu u muuqdaa inuusan abid koox maamulin hadda kahor, Waxay u muuqataa inuu guuldarraystay, Waxa uu haystaa calaamada (Tababarenimo) waana inuu ka fikiro ‘Fursad sidee ah ayaan helay?’ Kuwani waa ciyaartoy caalami ah”.

Advertisements

“Waxaan filayaa in Klopp iyo Guardiola ay ku dhibtoon lahaayeen inay yimaadaan oo ay xaalada dhinaca kale u rogaan, Waa mid kamida shaqooyinka ugu xun kubadda”.

 

Advertisements