Julen Lopetegui Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Bixitaankii Cristiano Ronaldo Iyo Waxay Isaga Uga Dhigantahay Xilli Uu Sheegay Xiddiga Noqon Doona Hoggaanka Cusub Ee Kooxda.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Julen Lopetegui ayaa markii ugu horraysay ka hadlay koox badalashadii Cristiano Ronaldo uu kaga dhaqaaqay Real Madrid isla markaana ugu biiray kooxda difaacanaysa horyaalka Talyaaniga ee Juventus sidoo kale tababaraha ayaa sheegay xiddiga loo qal qaalinayo inuu noqdo hoggaanka cusub ee kooxda.

Lopetegui oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horreeya kulanka saaxiibtinimo ee Manchester United ayaa sheegay inay isaga xiiso galinayso inuu dhiso koox tartanta la’aanta Cristiano Ronaldo, Tababaraha ayaa dhinaca kale sidii hore loo saadaalinayay sheegay inay caawimo siin doonaan Gareth Bale oo lagu wado inuu noqdo hormoodka cusub ee kooxda.

Lopetegui ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Markii aan saxeexay Cristiano wali waxa iska lahayd Real Madrid laakiin waxa uu si dhakhso ah usoo bandhigay rabitaankiisa ah inuu tago, Ka tababare ahaan waa loolan xiiso leh inaan sameeyo koox tartanta la’aanta Cristiano”

“Waxaan u aqoonsanahay inuu yahay mid kamid ah xiddigaha ugu muhiimsan taariikhda Real Madrid, Kooxdu way tix galisay halyeeynimadiisa iyagoo fududeeyay bixitaankiisa, Waxaan ku qanacsanahay in Bale uu qaadan doono sanad heer sarre ah wax badan ayaanu ka rajaynaynaa isaga, Si wada jir ah ayaan ula shaqayn doonaa isaga si uu u gaadho heerka ugu sareeya”

Dhinaca kale tababaraha ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan xiddigo badan oo safkiisa kamid ah oo si xoogan loola xidhiidhinayo inay ka baxayaan kooxda xagaagan iyo sidoo kale xiddigaha badan ee la saadaalinayo inay kooxda kusoo biiri doonaan kahor inta uusan soo dhammaan suuqa kala iibsigu.

Tababarahii hore ee FC Porto oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan ku faraxsanahay safka aan haysano waxaanan ku qanacsanahay inaan u dagaalami doono ujeedooyinkeena, Mana noqon karto si kale markaad Real Madrid joogto waxaan doonaynaa inaan noqono koox fiican garoonka dhexdiisa”

“Haddii uusan ciyaartoy iman ama uusan tagin waxaan noqon doonaa tababare faraxsan, Kama hadlayno waxyaabaha malaha ah, Safka aanu haysano waanu ku awoodi doonaa inaan wajahno dalabaadka Real Madrid”