Julen Lopetegui & Ernesto Valverde Oo Qaabab Kala Duwan Uga Hadlay Kulanka Muranka Badani Ka Dhashay Ee Girona v Barcelona Ee Lagu Wado In Lagu Ciyaaro Maraykanka.

Tababarayasha kooxaha uu xifaaltanka weyni ka dhexeeyo ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa qaabab kala duwan uga hadlay kulanka uu muranka weyni ka taagnaa muddooyinkii ugu dambeeyay ee Girona v Barcelona oo loo qalqaalinayo in lagu ciyaaro dalka Maraykanka.

Tababaraha Real Madrid ee Julen Lopetegui oo maanta qabtay shirkiisa jaraa’id ee kulanka ay berrito la leeyihiin Athletic Bilbao oo ay ku booqan doonaan San Mames, Tababarihii hore ee xulka Spain ayaana wax laga weydiiyay kulanka loo qorsheeyay bisha January ee la doonayo in laga wareejiyo Montilivi Stadium isla markaana la geeyo carriga Maraykanka.

Lopetegui ayaa sheegay inuusan wax xiiso ah u qabin kulankaas balse ay horyaalka ka dhigayso mid aan isku dheeli tirnayn maadaama oo koox kasta ay ku xoogan tahay garoonkeeda oo ay dhibtoon karto haddii ay dibada uga baxdo.

Lopetegui oo arrimahaas ka hadlaya ayaana yidhi “Anigu ma xiisaynayo waxa dhacaya, Maaha mid horyaalka ka dhigaysa mid siman, Koox kasta waa inay ku ciyaarto garoon isku mid ah”

Dhinaca kale, Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde oo wax laga weydiiyay haddii ku ciyaarista dalka Maraykanku ay ka fududahay in Girona lagu booqdo Montilivi ayaa sheegay inuusan wax fikrad ah ka haysan maadaama oo aysan hore Miami ugula ciyaarin kooxda Girona.

“Wax fikrad ah kama haysto sababtoo ah waligeen kulamaanu ciyaarin Girona magaalada Miami, Waxaan idiin sheegi karaa wakhtigaas kaddib haddii ay suurogasho kaliya waxaan odhan karaa waxay ahayd mid adag in xilli ciyaareedkii hore Montilivi sanadkii hore.