Juan Román Riquelme Oo Rajada Uu Xulka Qaranka Argantina Ee Koobka Aduunka Ku Xidhay Qaab Ciyaareedka Lionel Messi.

Xiddigii hore xulka qaranka Argentina Juan Román Riquelme ayaa shuruud kaga dhigay fursada ay saaxiibadiis haatan ku sugan xulka ugu guuleysan karaan koobka aduunka soo aadan ee sanadan 2018 ka dhici doona dalka Russia, inay ku xidhan tahay kaliya hadii ay dhacdo in fursado wanaagsan iyo bandhig cajiib ah uu ka sameeyo inta tartanka uu socdo laacibka kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Juan Román Riquelme ayaa kasoo muuqday wareeysi uu siinayay shabakada “ESPN” wuxuuna kaga hadlay koobka aduunka soo aadan wuxuuna yidhi: “Hadii ay dhacdo in qaab ciyaareedka Lionel Messi uu wanaagsanaano inta lagu gudi jiro koobka aduunka, waxay ila tahay in markaas ay Argantina nasiib u yeelan karto ku guuleysiga koobka aduunka lagu qaban doono Russia”.

Riquelme ayaa wuxuu hadalkiisa intaas sii raaciyay: “Ugu horeen waxaa muhiim inoo ah in Messi uu soo aadaa koobka aduunka isaga oo sii wata awoodiisa ciyaareed iyo qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah, shaki la’aan Messi waa kan ugu fiican taariikhda kubada cagta caalamka, waxaana muhiim inoo ah inuu yimaado koobka aduunka isagoo wanaagsan”.

Román Riquelme oo la weydiiyay rajadiisa kaga aadan inuu heli doono kursiga madaxtinimo ee kooxda Boca Juniors ayaa wuxuu yidhi: “Waan arki doonaa hadii aan noqdo madaxweynaha kooxda Boca Juniors, waxaan doonayaa kaliya inaan hanti dhoowre u noqdo Boca, kumaan guuleysan wax koob ah mudo dhan 11 sano, waxaan rajeenayaa inaan dib ugu soo celiyo kooxdan wadada guulaha hadii aan helo booska madaxtinimo ee kooxdan”.