Juan Mata Oo Fariin U Diray Ciyaartoyda Man United Kahor Kulamada Mashquulka Badan Ee Premier League-ga Maalmaha Ciida Gaalada Ee Christmas-ka.

Laacibka khadka dhexe reer Spain iyo kooxda Manchester United Juan Mata ayaa wuxuu sheegay in Red Devils ay lagama maarmaan tahay iany qabato shaqo aad u adag si ay u gaadho meel wanaagsan si ay kaga gudbaan maalmaha mashquulka badan ee  laga ciyaari doono kulamada xidhiidhka ah ee horyaalka Premier League-ga, maalmaha lagu gudi jiro ciida gaaleed ee Christmas-ka

Manchester United ayaa haatan fadhida booska 2-aad ee dhanka kala sareynta horyaalka Premier League-ga, iyadoo wiilasha José Mourinho ay farqi 8 dhibcood ah ay ka hooseeyaan hogaamiyaasha Manchester City oo xili ciyaareedkan ka sameenaya bandhig aad u wanaagsan tartamada guduha iyo kuwa banaanka intaba.

Xidiga xulka Spain iyo kooxda Red Devils Juan Mata ayaa wuxuu u sheegay Web-site-ka rasmiga ah ee kooxda: “Waxaan dib ugu laabaneynaa tababarka kooxda, waxa ugu muhiimsan ee aan ka fikireyno ayaa ah kulankeena soo aadan ee Newcastle United iyo muhiimada ay inoo leedahay bisha soo aadan, waxay noqon doontaa mid aad u mashquul badan gaar ahaan xiliga Christmas-ka”.

Juan Mata ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray: “Kooxda si fiican u shaqeysa xiliga lagu gudi jiro kulamada mashquulka badan ee bisha soo aadan, ayaa u muuqaneysa inay meel wacan ka gaadhi doonto loolanka loogu jiro horyaalka Premier League-ga xili ciyaareedkan”.

Si kastaba laacibka ree Spain ee Juan Mata ayaan kasoo muuqan safka kooxda Manchester United, tan iyo kulankii ay guuldarada 2-1 ay kala kulmeen kooxda Huddersfield Town bishii lasoo dhaafay, waxayna Red Devils kulankeeda soo aadan Sabtida kusoo dhaweyn doontaa garoonka Old Trafford dhigeeda Newcastle.

 

 

Comments

comments