Juan Manuel Mata Oo Heshiis Cusub Qalinka Ugu Duugaya Kooxdiisa Manchester United & Faah-Faahinta Qandaraaskiisa Cusub.

Xiddigaha kooxda Manchester United ayay kamid yihiin kuwo badan oo qandaraskoodu dhacayo xilli ciyaareedkan waxaana qayb ka ah xiddigo badan oo muhiimad weyn kaleh safka koowaad ee kooxda.

Khadka dhexe ee ree Spain Juan Mata oo qayb ka ahaa xiddigahaas ayaa u muuqda mid haatan samaynaya dhacdo ay ku farxaan jamaahiirta kooxdiisa waxaana uu diyaar u yahay inuu heshiis cusub oo mudo dheer ah qalinka ku duugo oo mustaqbalkiisa u hibeeyo Manchester.

Juan Manuel Mata ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo gudaha Premier League ah iyo kuwo qaarada Yurub ku fidsan labadaba waxaana kamid ah kooxaha Arsenal, Juventus iyo kooxdiisii hore ee Valencia.

Heshiiska haatan ee Mata ayaa ah mid ku eeg dhammaadka xilli ciyaareedkan balse Man United ayaa fursad u haysata inay 12 bilood oo dheeraad ah ku darto heshiiska wakhti xaadirkan.

Wargeyska The Mirror oo bixinayay xogta heshiiska cusub ee uu Mata u saxeexayo kooxdiisa ayaa sheegay inuu noqon doono qandaraas ku eeg ilaa sanadka 2022.

Ugu dambayn, Xiddigaha kale ee uu qandaraskoodu ku eegyahay dhammaadka xilli ciyaareedkan ayay ugu horreeyan David De Gea, Ander Herrera, Chris Smalling iyo Anthony Martial.