Josep Maria Bartomeu Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay Go’aanka Ay Ka Qaateen Mustaqbalka Tababare Ernesto Valverde.

Madax waynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa si rasmi ah u shaaciyay in kooxdiisu ay go’aansaday in Valverde uu sii ahaan doono macalinka kooxda kowaad.

Mustaqbalka Ernesto Valverde ayaa shaki xooga la galinayay tan iyo maalintii ay Barcelona ceebta kala soo laabtay Anfield ee kulankii Liverpool kaas oo Champions League looga soo cidhibtiray.

Josep Maria Bartomeu ayaa xaqiijiyay in qorshaha kooxdiisa ee xili ciyaareedka soo socdaa uu haddaba bilawday isla markaana uu Valverde yahay macalinka ay doonayaan in uu kooxda hayo.

Josep Maria Bartomeu ayaa yidhi: “Qorshaynta xili ciyaareedka soo socdaa haddaba wuu bilawday, waqtina wuu soo socday. Valverde waxa uu maalintii kale sheegay in uu haysto taageerada madax waynaha iyo boodhka”.

“Isagu waa tababaraha aanu doonayno. Waxaanu kala badh kaga jirnaa mashruuca wayn. Heshiis ayuu ku jiraa isla amrkaana waanu ku faraxsanahay isaga. Hadda waxay ku saabsan tahay sida ay ciyaartoydu uga soo kabsanayaan dib u dhicii”. ayuu Bartomeu hadalkiisa sii raaciyay.

Josep Maria Bartomeu ayaa meesha ka saaray in finalka Copa Del Rey uu mustaqbalka Valverde go’aamin doono wuxuuna yidhi: “Finalku ma aha qodoba go’aaminaya. Muhiimada ugu wayni waa horyaalka, kadib waxaanu doonaynaa Copa Del Rey iyo Champions League”.

“Xili ciyaareed muhiim ah ayuu ahaa, waxaanu ku guulaysanay horyaalka iyada oo kulamo hadhsan yihiin, dhamaantayo wax ka badan ayaanu doonaynaa. Haddaba waxaanu haysanaa finalka Copa Del Rey, waxaanu ka soo laaban doonaa dhaawaca guuldaradii” ayuu Josep Maria Bartomeu hadalkiisa ku sii daray.

Josep Maria Bartomeu oo ciyaartoyda kooxdiisa ka hadlaya ayaa yidhi: “Qaar ka mid ah ciyaartoydu haddaba way saxiixeen waanu sii wadi doonaa wada hadalka kadib finalka Copa Del Rey”.