“Jose Mourinho Waa Mid Kamid Ah Tababarayasha Ugu Fiican Abid” – Special One Oo Amaan Weyn Ka Helay Mid Kamid Ah Xiddigaha Kooxdiisa.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa amaan ka helay daafaca midig ee kooxdiisa ee Diogo Dalot kaas oo ku sifeeyay tababaraha kooxdiisa mid kamid ah tababarayasha ugu fiican abid kubadda cagta,

Bar-bardhacii min labada gool ahaa ee ay United la gashay Arsenal ayaa sheegaya in kooxda Jose ay haatan guul la’aan tahay afartii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka waxaana ay dhibco door ah ka hooseeyaan booska afraad ee miiska kala sarreynta.

Da’yarkan oo ugu horreynba ka hadlay kulanka Fulham ee toddobaadkan ayaa yidhi “Kulanka Fulham waa kulan weyn, Waxaan filayaa in Premier League uu markasta kulanku weyn yahay taasi waa mid kamid ah waxyaabaha aan ku ogaaday halkan”

“Ma jiraan kulamo fududi, Ma jirto fursad lagu nasto intayada ugu badanina waxaan doonaynaa dhibco si aan kor ugu fuulno miiska kala sarreynat, Taasi waa waxa aan doonayno”

Intaa kaddib Dalot ayaa bilaabay amaanta tababarahan ay kasoo wada jeedaan dalka Portugal waxaana uu yidhi “Jose Mourinho waxa uu anaga na siiyaa dhammaan khibradiisa iyo cilmigiisa kulanka, Maaha kaliya aniga”

“Waxaan filayaa inuu yahay mid kamid ah tababarayasha ugu fiican abid, Aniga ahaana waa riyo rumawday inaan isaga dhinaciisa ahaado oo aan wax ka barto, Waa wax aad u wanaagsan”