Jose Mourinho Oo Soo Xushay Shaxda Kooxda Xili Ciyaareedkan Ee Champions League Ugu Fiican Iyo Amaanta Uu Liverpool Ugu Qubeeyay.

Jose Mourinho oo hadda khabiir kubbada cagta ah kaga shaqaysta telefishanka caanka ah ee BeIN Sports ayaa soo xushay shaxda xili ciyaareedkan ee UEFA Champions league ugu fiican.

Jose Mourinho ayaa 6 ciyaartoy oo ka mid ah 11 ka xidig ee shaxdiisa waxa uu ka soo doortay kooxda koobka Champions league ku guulaysatay ee Liverpool isaga oo waliba amaan wayn u jeediyay.

Jose Mourinho oo ka mid ah tababarayaasha ugu koobabka badan kubbada cagta ayaa si khaas ah u amaanay Virgil Van Dijk kaas oo uu kala dhex baxay ciyaartoyda Liverpool.

Jose Mourinho ayaa shaxda kooxdiisa xili ciyaareedkan ugu fiican ee Champions League waxa uu u doortay Alisson Becker.

Wuxuuna labada difaac danbeed ee midig iyo bidix u doortay isla xidigaha Liverpool ee Trent Alexander-Arnold and Andy Robertson isaga oo Virgil Van Dijk difaaca dhexe ula doortay kabtanka kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt.

Saddexda khadka dhexe ee shaxda kooxda ugu fiican Champions league waxa u Jose Mourinho u doortay labada xidig ee kooxda Ajax wacdaraha ka soo dhigay ee Frenkie de Jong iyo Donny van de Beek oo uu ku daray xidiga Tottenham ee Christian Eriksen.

Weerarka waxa uu Jose Mourinho u soo xushay Mohamed Salah iyo Sadio Mane oo Liverpool koobka ku hogaamiyay si la mid ah Lionel Messi oo Barcelona soo gaadhsiiyay afar dhamaadkii Champions League.

Jose Mourinho oo si gaar ah u amaanay difaacyada Arnold iyo Robertson ayaa yidhi: “Labada difaac danbeed waa in ay sidoo kale noqdaan ciyaartoy Liverpool ah. Waa ciyaartoy layaableh Trent Alexander-Arnold and Andy Robertson”.

“Dabeecad iyo shaqsiyad layaableh. Midka [Alexander-Arnold] waa wiil Liverpool u dhashay, mid kale [Robertson] waa wiil Scottish ah kaas oo dhawr sanadood ka hor heerka labaad ula dhacay Hull City” ayuu Mourinho hadalkiisa raaciyay.

Mourinho oo la dhacsan Arnold iyo Robertson ayaa yidhi: “Labaduba waxay leeyihiin awood jidh ahaaneed, weerar ayay leeyihiin, waxay iyagu leeyihiin waxa aan kubbada cagta ugu yeedho “Isla waynida fiican’, iyagu kama cabsadaan in ay ciyaaraan, weerarka ayay tagaan, weerarka ayay ka qayb galaan, xataa kulankii sabtidii ee ay cadaadiska wayn ku hoos jireen aad iyo aad ayay u fiicnaayeen”.

Jose Mourinho oo markii uu Van Dijk soo xulanayay ka hadlay ayaa yidhi: “Van Dijk waa boqor, waa shaqsiyad wayn, boosishan ahaan waa ciyaartoy sare, sare…”.

Halkan kaga bogo Shaxda Kooxda Xili ciyaareedkan Ugu Fiican ee Uu Jose Mourinho Soo Xushay?

Goolhaye: Alisson Becker (Liverpool)

Afarta Difaaca 

Trent Alexander-Arnold (Liverpool)

Andy Robertson (Liverpool)

Virgil van Dijk (Liverpool)

Matthijs de Ligt (Ajax)

Saddexda Khadka Dhexe:

Frenkie de Jong (Ajax)

Donny van de Beek (Ajax)

Christian Eriksen (Tottenham)

Saddexda Weerarka

Lionel Messi (Barcelona)

Sadio Mane (Liverpool)

Mohamed Salah (Liverpool)

Haddaba akhriste, marka aad qiimayso bandhigii ciyaartoyda Yurub ee xili ciyaareedkan, miyaad filaysaa in Mourinho uu soo xulay shaxdii ugu cajiibsanayd ee la soo dooran karayay?