Jose Mourinho Oo Soo Xulay Shaxda Ay Tahay Inay Chelsea Kala Hortagto Liverpool Koobka UEFA Super Cup Ee Arbacada

Jose Mourinho ayaa iska celin waayay inuu dhaleeceeyo Frank Lampard ka dib markii Chelsea ay guuldarro 4-0 ka soo gaartay Manchester United, waxaana uu feker fiican ka bixiyay sida ay tahay inay noqoto shaxda Chelsea kulankooda soo socda.

Koox u badan da’ yar oo aan khibrad laheyn ayaa guuldarro xun ay ku soo gaartay Old Trafford iyadoo tababarihii hore ee Blues uu ka xumaaday shaxda uu ku soo shirtagay tababare Frank Lampard.

Mason Mount, Tammy Abraham iyo Ross Barkley ayaa ku soo bilowday halka dad badan aysan la dhicin shaqada difaacasho ee Kurt Zouma iyo Emerson.

Waxaa taasi dheer in N’Golo Kante uu kaliya bedel ku soo galay iyadoo Lampard uu isku difaacay inuusan ciyaartoyda taam ka dhigi karin.

SIDOO KALE AKHRISO:  Tababaraha PSG Ee Thomas Tuchel Oo HAL SHURUUD Ku Xidhay Bixitaanka Neymar JR Xilli Barcelona & Real Madrid Ay Dhagtu U Taagan Tahay.

Laakiin madaama ay Arbacada la ciyaarayaan Liverpool kulanka UEFA Super Cup ee ka dhacaya Istanbul, Chelsea ayaa u baahan inay meelo badan iska hagaajiso.

Mourinho ayaana sheegay inay tahay in Chelsea ay soo safto ciyaartoyda khibrada leh sida Marcos Alonso iyo Olivier Giroud iyo in Kante lagu soo bilaabo inkastoo walaac laga qabo taam ahaanshihiisa.

Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay khibrad yarida Mason Mounto kaasoo bedelkiisa tooska ah ee shaxda uu noqonayo saxiixa cusub Christian Pulisic.

Sida Mourinho uu talinayo shaxda Chelsea waxa ay noqon doontaa sida tan:

Goolka oo uu ku soo bilowdo Kepa iyadoo afarta daafaca danbe uu Mourinho bedelayo kaliya Emerson oo uu ku bedelayo daafaca khibrada leh Alonson kaasoo ka garab ciyaaraya Christensen, Zouma iyo Azpilicueta.

SIDOO KALE AKHRISO:  Sawirro: Xiddigaha Man United & Man City Oo Kulamo Casho Ah Yeeshay Ka Hor Bilowga Xilli Ciyaareedka Premier League

Afarta khadka dhexe waxa ay noqonayaan labada garab Christian Pulisic iyo Pedro halka dhexe ay ka dheelayaan Kante iyo Jorginho.

Kovacic ayaa ka ciyaaraya booska ka danbeeya gooldhaliyaha iyadoo weerarka uu hogaaminayo Olivier Giroud bedelkii la soo safi lahaa da’ yarka Abraham.