Jose Mourinho Oo Si Weyn U Amaanay Qaab Ciyaareedkii Heerka Sarre Ahaa Ee Ay Paul Pogba & Luke Shaw Kala Soo Muuqdeen Kulankii Ay Guusha Ka Heleen Leiceste Ee Furitaanka Premier League.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa si weyn u amaanay bandhigyadii Luke Shaw iyo Paul Pogba ee kulankii furitaanka horyaalka Premier League markaas oo ay guul 2-1 ah ka heleen kooxda Leicester City.

Paul Pogba ayaa xalay si fiican u hoggaamiyay kooxdii uu Jose Mourinho usoo xushay kulankooda ugu horreeya xilli ciyaareedka xilli uu tababaraha ree Portugal calaamada Kabtanimo ee kooxda gacanta usoo galiyay 25 jirkan kulankaas.

 

Tababare Jose Mourinho ayaa si weyn u amaanay xiddigahii xalay guusha u horseeday isagoo Paul Pogba si gaar ah ugu amaanay qaabka uu uga soo dhalaalay kulanka maadaama oo uu kulankani deg deg ku ahaa kaddib maalmo kooban oo uu kooxda ku sugnaa tan iyo kasoo laabashadiisa fasaxiisa xagaaga

Haddaba Mou oo amaanaya bandhigii Paul ayaa yidhi “Pogba waxa uu ahaa mid awood leh, Waxaan filanaynay inuu ugu badnaan ciyaari karo 60 daqiiqo laakiin waxa uu ciyaaray in ka badan 80 daqiiqo, May ahayn go’aan adag (in Pogba lagu soo bilaabo) Go’aanku isaga ayuu ku xidhnaa iyadoo Ander Herrera uu dhaawacan yahay, Waxaan kaliya haystay laba dookh oo kala ah Paul Pogba  iyo Scott McTominay”

“Haddii aan ku ciyaari lahaa Scott waxaan garoonka ku haysan lahaa laba wiil oo yar yar iyo saxeex cusub (Fred) sidaa darteed waxaan waydiiyay Paul isaguna naftiisa ayuu u huray kooxda waxayna ahayd mid aad iyo aad noogu fiican”

Dhinaca kale Special One ayaa si weyn u amaanay bandhigii Luke Shaw isagoo ku tilmaamay ‘Bandhig Dhmmaystiran’, Tababaraha oo amaanaya bandhiga Luke ayaa markale yidhi “Ciyaartiisu waxay ahayd mid aad u dhammaystiran haddii aan iska iloobo goolkiisa oo ahaa mid muhiim noo ah anaga bandhigu waxa uu ahaa mid aad u dhammaystiran”

Hadalkan kasoo yeedhay tababare Jose Mourinho ee uu ku amaanayo xiddigaha Shaw iyo Pogba ayaa la filayaa inuu niyad u noqon doono xiddigahan maadaama oo labadoodaba uusan hadalo wacan ka sheegayn mudooyinkii ugu dambeeyay, Paul iyo Mou ayaa isku khilaafsanaa hanaanka ay u wada shaqaynayaan halka Luke Shaw uu Mourinho eedaymo kala duwan kala kulmay kaddib dhaawacyo iyo qaab ciyaareed xumo soo noq noqtay oo uu la jaar noqday sanadihii ugu dambeeyay.