Jose Mourinho Oo Sheekadii Uu Caanka Ku Ahaa Soo Celiyay & Ciyaartoy Si Weyn Loo Doonayay Oo Uu Kahoos Xaday Kooxaha Premier League Oo Caafimaadka U Maraya Tottenham.

Advertisements

Kooxda Tottenham ayaa lagu soo warramayaa inay dhigeeda West Ham United ee ay ka wada dhisan yihiin London ka dul qaaday saxeexa khadka dhexe ee Gedson Fernandes oo SL Benfica ka tirsan.

Magaca Fernandes ayaa ahaa mid maalmihii ugu dambeeyay dhex wareegayay suuqa kala iibsiga iyadoo ay West Ham ahayd kooxda ugu cad cadayd inay gacanta kusoo dhigto walow ay sidoo kale Man United iyo Chelsea ku jireen tartanka.

Jose Mourinho oo ku caan baxay inuu kooxo badan ka dul qaaday ciyaartoy ay la heshiiyeen ayaa markale u muuqda mid shaqadaas qabtay kaddib xog ay BBC Sport kasoo saartay arrimaha Fernandes ee haatan.

BBC ayaa sheegaysa in Spurs ay ka guuleysteen Hammers isla markaana uu 21 sano jirkan khadka dhexe ku wanaagsani tijaabada caafimaadka u marayo saacadaha soo socda.

Tottenham ayaa ku qasban inay suuqa bishan January ka samayso dhaq dhaqaaq kaddib dhaawaca khadkeedii dhexe  ee Moussa Sissoko iyo waliba weeraryahan Harry Kane.

Advertisements

Sidoo kale sababta ku riixaysa inay deg deg uga adeegtaan suuqa bishan ayaa ah in Christian Eriksen uu qarka u saaran yahay inuu ku biiro dhinaca Inter Milan.

Advertisements