Jose Mourinho Oo Markii Ugu Horreysay Aragtidiisa Ka Dhiibtay Da’yarka Dalkiisa Portugal Ee Joao Felix & Waxa Kaliya Ee Uusan Marnaba Ka Baxsan Karin.

Tababaraha haatan shaqo la’aanta ah ee Jose Mourinho ayaa markii ugu horreysay wax laga weydiiyay arrimaha da’yarka ay Portugal kasoo wada jeedaan ee Joao Felix oo dhawaan lacag aad u badan ugu wareegay dhinaca Atletico Madrid.

19 jirkan ayaa bishii hore lacag waali ah oo 126 Milyan ah ugu wareegay dhinaca Atletico Madrid isaga oo intaas kaddib bandhigyo aad u wanaagsan kasoo sameeyay kulamadii ka horreeyay xilli ciyaareedka.

Joao ayaa xilli ciyaareedkii hore wacdarro kusoo dhigay kooxdiisii SL Benfica isaga oo gool dhalin fiican soo sameeyay isla markaana bandhigyadii guud ahaayeen kuwo soo jiidasho leh.

Intaa kaddib kooxaha ugu waaweyn Yurub ayaa saxeexiisa ku raad joogay walow ay inta badan ku dhiiran waayeen lacagtii 120-ka Milyan ahayd ee heshiiskiisa lagu bur-burin karayay kahor intii aysan Atletico bixin 126-ka Milyan.

Si kastaba, Jose Mourinho ayaa aaminsan in lacagta 126 Milyanka ahi ay tahay caqabada ugu weyn ee da’yarkan haysan doonta isla markaana aan loo eegi doonin da’diisa yar balse masuuliyadu ay tahay mid isaga saaran.

Jose oo Felix ka faaloonaya ayaa yidhi “Isaga waxa u yaala tartan sababtoo ah xadiga ay gaadhsiisan tahay hibadiisu iyo maalgelinta ay kooxdu isaga ku samaysay, Waxaan aaminsanahay inuusan ka baxsan karin masuuliyadan”

“Muhiim maaha haddii uu yahay 18, 19 ama 25 jir, Waxa muhiimka ah ayaa ah hibadiisa iyo masuuliyada uu leeyahay”

Dhinaca kale Mourinho ayaa sheegay in lacagaha waalida ah ee ay suuqa xagaagan bixisay Atletico Madrid inay ku qasbi doonto inay u dagaalamaan tartamada La Liga iyo Champions League.

“Heerka maal-gelinta ee Atletico Madrid waxa uu iyaga saarayaa masuuliyada ay ugu dagaalamayaan Champions League iyo La Liga”