Jose Mourinho Oo Markii Ugu Horraysay Mudo Kaddib Hadalo Wanaagsan Ka Sheegay Xiddiga Kooxdiisa Ee Paul Pogba Kaddib Markii Uu Kusoo Laabtay Tababarka Kooxda.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa markii ugu horraysay hadalo quman ka sheegay xiddiga kooxdiisa ee Paul Pogba kaddib markii uu si toos ah ugu soo laabtay tababarka kooxda isla markaana uu soo dhammaystay fasaxiisii xagaaga.

Paul Pogba ayaa qayb libaax ka qaatay hanashadii koobka aduunka ee dalkiisa France isagoo kamid ahaa xiddigaha uu sida weyn ugu tiirsanaa tababare Didier Deschamps, Xiddiga ayaana maalinimadii Isniintii kusoo laabtay tababarka kooxda kahor kulanka furitaanka Premier League ee ay caawa la leeyihiin Leicester City.

Haddaba, Jose Mourinho oo ay xilli ciyaareedkii hore xurgufi ka dhaxaysay 25 jirkan ayaa sheegay hadal fiican oo ku aadan xiddiga kaddib mudo uu soo eedaynayay, Waxaana uu sheegay in uu Paul uu ku faraxsan yahay inuu kusoo laabto kooxda, Isaga oo dhinaca kale sheegay inuu kamid yahay xiddigaha uu u baahan yahay inuu la hadlo si uu uga warayso haddii uu jidh ahaan iyo maskax ahaanba taam buuxa yahay isla markaana uu kooxda caawin karo kulanka Leicester.

Mou ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Sida aan arkay, Waxa uu soo laabtay Isniintii isaga oo faraxsan, Han-weyn isla markaana u hamuun qaba inuu shaqeeyo, Waxa uu u shaqeeyay si cajiib ah oo fiican Isniintii, Salaasadii iyo Arbacadii, Waa mid kamid ah ciyaartoyda ay tahay inaan la hadlo si aan u ogaado waxa uu dareemo jidh ahaan iyo maskax ahaanba”

“Si lamid ah, Jesse Lingard, Marouane Fellaini iyo Ahsley Young, Haddii ay dareemayaan inay na caawin karaan 20 daqiiqo, 10 daqiiqo ama saacad badhkeed, Ma haysano xal badan waxaanan doonayaa inaan la tago waxkasta oo aan haysano”

Tababare Jose Mourinho ayaa u muuqda mid iska habaysan doona safkii xiddigaha ahaa ee uu hore u haystay kaddib markii ay kooxdiisu si weyn ugu fashilantay inay u keento xiddigihii uu farta ugu fiiqay isla markaana u sheegay inay lasoo saxeexdaan.

Dhinaca kale Red Devils ayaa bilaabi doona caawa xilli ciyaareedka 2018-2019 oo muhiim u noqon doona kooxdeeda, Waxaana ay kooxdu isku dayi doontaa sidii ay usoo yarayn lahayd farqiga u dhaxeeya iyaga iyo Manchester City oo sanadkii hore horyaalka kaga qaaday 19 dhibcood oo nadiif ah.