Jose Mourinho Oo Magacaabay Labada Xiddig Ee Furaha U Noqon Doona Liverpool Iyo Tottenham Kulanka Finalka Champions League

Jose Mourinho ayaa aaminsan in Virgil van Dijk iyo Christian Eriksen inay noqon doonaan labada xiddig ee furaha u noqonaya kulanka finalka Champions League ee Liverpool iyo Tottenham.

Labada kooxood ee Premier League ka dhisan ayaa ku kulmi doona habeen danbe garoonka Atletico Madrid ee Wanda Metropolitano iyadoo mid ka mid ah loo caleemo sarri doono boqorada Yurub.

Tababarihii hore ee Manchester United ayaana la weydiiayy inuu koox walba ka magacaabo hal ciyaaryahan oo fure u noqon doona kulanka habeen danbe.

“Haddii aan hal ciyaaryahan ka doorto Liverpool waa Virgil van Dijk” ayuu Mourinho u sheegay Eleven Sports.

“Tottenham waxaan dhihi lahaa Christian Eriksen madaama ay finalka gaareen iyadoo Harry Kane uu ka maqan yahay.”

Mourinho ayaa sidoo kale dareensan in midkoodna Liverpool ama Tottenham inaan loo arki karin inay ugu cadcad yihiin hanashada koobkaan, isagoo sheegay in labada kooxoodba ay kalsooni ku soo galayaan finalka.

SIDOO KALE AKHRISO:  Chelsea Oo Barbaro Niyadjab Leh Stamford Bridge Kula Gashay Leicesster City Iyo Frank Lampard Oo Wali Sugi Doona Guushiisii Ugu Horaysay Ee Blues.

“Waxaan mar walba dhahaa kooxda sida cajiibka ah ku soo gaarta finalka ayaa ugu cadcad hanashadiisa” ayuu yiri Mourinho.

“Labadaan kooxoodna si cajiib leh ayay ku soo gaareen finalka. Waxayna koox walba aaminsan tahay inay burburin doonta tan kale, waxaana ka dhaadhacsan koox walba in koobkaan uu keedii yahay.”