Jose Mourinho Oo La Filayo Inuu Markale Paul Pogba Kaydka Dhigo Iyo Special One Oo Digniin Culus Hawada U Mariyay Xiddigihiisa.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa la filayaa inuu mar kale kaydka u dhaadhiciyo ciyaartoyda waawayn ee kooxdiisa oo uu ugu horeeya xiddiga 89 milyan ugu fadhiya kooxdaasi ee Paul Pogba, Mou oo u muuqda midaan la dhicin qaab ciyaareedkii xiddigaha kooxdiisa ee kulankii ay guuldarada lama filaanka ah kala kulmeen West Bromwich Albion ayaa sheegay in ciyaartoydii sida xun u ciyaaray kulankaasi aysan wax boos ah ku lahayn kooxda.

Jose ayaa sidoo kale isku xidhay kulamada isku xiga ee Bournemouth oo ay kulan horyaalka ka tirsan wada ciyaari doonaan iyo Tottenham oo ay ku balansanyihiin afar dhammaadka FA Cup isagoo tilmaamay in xiddigaha sida wacan uga soo dhalaala kulanka Bournemouth ay kusoo bilaaban doonaan kulanka Spurs.

 

Mourinho ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Ciyaartoydii la ciyaaray Westbrom qaar kamid ahi boos kuma laha kooxda”

“Haddii aan ciyaartoy kula ciyaaro Bournemouth, Isla markaana uu si fiican u dheelo wuxuu ka qayb qaadan doona kulanka Semi Final-ka”

“Ma ahan wareegto, Maxaa yeelay wareegtadu waxay u muuqata in ciyaartoyda kulanka Bournemouth kasoo muuqda ay nasinayaan kuwa kulanka Tottenham ciyaari doona”

 

Dhinaca kale Special One ayaa sheegay in uusan ciyaartoydiisa ku qiimaynin lacagaha ay ugu fadhiyaan iyo mushaharaadka ay qaataan wuxuuna yidhi “Waxaan ogahay in go’aanka kaliya ee tababare ku doorto ciyaartoydiisa ay tahay qaabka ay u ciyaaraan”

“Mise waxaad doonaysaa inaan ku xusho lacagaha ay kooxda ugu fadhiyaan, Mushaharaadka ay qaataan iyo quruxda wajigooda”

Jose Mourinho ayay suurto gal tahay inuu kaydka dhigo xiddigo waawayn oo uu hogaaminayo Paul Pogba oo u hore kaydka u galiyay kulamo dhawr ah isla markaana uu kulankii Westbrom xili horeba badal ku saaray.

1 Comment

  1. 😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀😀
    Waxaaasaaa macalin ah bay hadhoooow kugula murmayaaaan cilaaaa united ka war ciyaaryahanku haduuu kulan uuusan si fiican u ciyaarin ma kaydkaa la dhigayaaaah tusaaaale ahaaan aniga barce iyo man city aan taageere u ahy hdii messi uusan kulan si fiican u ciyaaarin ma kaydaaa pogba waa laaacib aaan la ruamysan karin tayadiiisah eee macalin buuuna hysan allow yaaa pep guardiola u geeeeeyah

Comments are closed.