Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Goolhaye David Dea Gea Oo Kooxo Kala Duwan Lala Xidhiidhinayo & Jawaabtii Uu Bixiyay Oo Wer-Wer Kale Ku Abuuraysa Jamaahiirta Red Devils.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay fikradiisa kaga aadan mustaqbalka goolhayaha kooxdiisa ee David De Gea kaas oo maalmihii ugu dambeeyay markale shaki weyn la galiyay mustaqbalkiisa Old Trafford.

Goolhayaha ree Spain ayuu qandaraaskiisa kooxdu dhacayaa xagaaga dambe waxaana ay taasi keentay in kooxo badan oo ay ugu dambaysay Juventus qorsheeyaan sidii ay kaga kaxayn lahaayeen United.

Jose ayaa isaga qudhiisu yidhi hadal werwer galiyay jamaahiirta kooxda kaddib markii uu sheegay inuusan ku kalsoonayn sidoo kalena wer wer ka qabin arrintaas isagoo dhinaca kale xusay in kalmada ku haboon inuu ku jawaabo uusan garanayn waxa lagu yidhaa luuqada Ingiriisiga.

Mourinho ayaa yidhi “Anigu kuma kalsooni laakiin sidoo kale kama werwersani, Kalmada kuma garan karo luuqada Ingiriisiga laakiin aynu aragno waxa dhaca”

“Kaliya kooxda, David iyo dadkiisa (Wakiiladiisa) ayaa ka jawaabi karaa midaas, Faaladaydu kaliya waa in qofkasta ogyahay sida uu isagu u fiican yahay, Sida uu muhiimka ugu yahay Manchester United iyo in kooxdu doonayso inay sidii hore ka fiicnaato oo aysan ka xumaan, Sida iska cad aad ayay muhiim u tahay in lasii haysto De Gea”

Real Madrid ayaa tan iyo sanadkii 2015 si joogto ah loola xidhiidhinayay 27 jirkan balse inay xagaagii dhawaa la saxeexdeen Thibaut Courtois ayaa keenaysa inay iskaga hadhaan baadigoobka saxeexiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Kooxo cusub oo ay ugu horreeyaan Paris Saint-Germain iyo Juventus ayaa loolan u galaya saxeexiisa haddiiba ay United ku fashilanto inay qanciso.