Jose Mourinho Oo Go’aamiyay Bar-tilmaameed Yadiisa Suuqa Xagaaga, Isagoo Dhinaca Kale Beeniyay Inuu Xiiseenayo Saxiixa Alex Sandro.

Sida shaacisay saxaafada dalka England in Manchester United aysan qorshaheeda suuqa xagaaga ku darsanin difaaca kooxda reer talyaani ee reer Brazil Alex Sandro, kadib markii ay soo baxeen warar ku aadan in laga xiiseenayo xidigan garoonka Old Trafford.

Jose Mourinho ayaa maalmihii lasoo dhaafay la buun buuniyay inuu daneenayo soo qaadashada xidiga reer Brazil si uu ugu xoojisto difaaca kooxdiisa, gaar ahaan qeybta garabka bidix ay Red devils sanooyinkii lasoo dhaafay dhibaato xoogan ka heesatay.

Laakiin wargeyska “Manchester evening news” ee dalka England in maamulka kooxda Manchester United uu hogaaminayo macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho aysan wax xiiso u qabin saxiixa Alex Sandro.

Wargeyska ayaa wuxuu sidoo kale tilmaamay in Jose Mourinho uu diyaarsaday qorshaha kooxda Manchester United ee suuqa xagaaga, wuxuuna xiiseenayaa inuu lasoo saxiixdo weerar yahan cusub si uu u caawiyo wiilkiisa reer Belgian Romelu Lukaku.

Wararka ayaa waxay intaa kusii darayaan in ay suuragal tahay in Manchester United ay lasoo saxiixato xidig cusub ee ka ciyaari kara difaaca garabka bidix, balse Jose Mourinho ayaa la fahansan yahay inuu ku qanacsan yahay labadiisa xidig ee Ashley Young Luke Shaw.

Waxaa xusid mudan in Alex Sandro aanu loogu yeerin xulkiisa qaranka Brazil si uu kagala qeyb galo koobka aduunka 2018 si rasmi ah kaga furmi doono khamiista soo aadan dalka Russia.