“Jose Mourinho Cadaawad Ayuu Ka Beeray Xulka Spain” – Andres Iniesta Oo Ka Sheekeeyay Dhibaatadii Uu Special One Ka Dhaliyay La Roja Wakhtigiisii La Liga.

Halyeeyga kooxda Barcelona iyo xulka Spain ee Andres Iniesta ayaa dib u xasuustay colaadi ba’nayd ee uu Jose Mourinho ka dhex huriyay xiddigaha xulka qaranka Spain wakhtigii uu tababaraha ree Portugal ku sugnaa dhinaca Real Madrid.

Mourinho ayaa mudo saddex sano ah kusoo qaatay Los Blancos kaddib markii uu ka yimid dhinaca Inter Milan waxaana la xasuustaa in intii lagu jiray wakhtigiisa uu kulanka El-Classico gaadhay heerkii ugu qadhaadhaa.

Dhacdadii ugu xumayd ee kulan El-Classico ah ka geysto Jose ayaa dhacday kulan Supercopa de Espana ah markaas oo uu isha farta ka geliyay ku xigeenkii Pep Guardiola ee Tito Vilanov halkaas oo is qab-qabsi xoogani ka dhacay.

SIDOO KALE AKHRISO:  Way Soo Laabteen!! - LABA Kamida Xiddigaha Waaweyn Ee Arsenal Oo Tababarka Buuxa Ee Kooxda Kusoo Laabtay Kahor Kulanka Muhiimka Ah Ee Liverpool.

Mourinho ayaa intaa kaddib  Vilanova ku af-lagaadeeyay erayga “Pito” oo ah af-suuqi Spanish ah isaga oo sheegay inuusan aqoon u lahay ku xigeenka Guardiola, Taa bedelkeeda Gerard Pique ayaa Mourinho ku dhaleeceeyay inuu baabiinayo kubadda cagta Spain.

Haddaba, Iniesta oo dib u fiiriyay wakhtigii Jose iyo saamayntiisii xulka La Roja oo markaa xiddigaha ugu badan ay ku lahaayeen Madrid iyo Barca ayaa sheegay in tababarahani uu nacayb ka dhex beeray xulka.

Iniesta oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi “Uma baahnid inaad kasoo jeedida Barcelona ama Real Madrid si aad u ogaatid in xaaladani ay ahayd mid aan wanaagsanayn, Shaqsiga furaha ah ee kasoo hor-jeeday sheekadaas ayaa ahaa Mourinho”

SIDOO KALE AKHRISO:  Seddex Arimood Oo Ku Seegay Intii Aad Daawaneysay Kulankii Ay Man United 4-0 Ku Garaacday Chelsea

“Uma arkaysid xifaaltan caadi ah, Waxaad aragtay cadaawada, Deegaankaasi waxa uu ahaa mid la beeray waxaana ay ahayd mid aan loo dulqaadan karin”

“Xaalada cakiran ee u dhaxaysan Barca iyo Madrid ee uu kiciyay Mourinho waxa ay inbadan dhaawacday xulka qaranka iyo xiddigaha isku xulka ah”