“Jose Mourinho Ayaa Isoo Wacay, Waan Qayliyay Baska Chelsea Ayaan Ka Degay Waxaanan Real Madrid Tagay Aniga Oo Dharkii Chelsea Wali Xidhan!!”

Halyeeyga kooxda Chelsea ahna xiddigii mar soo matalay Real Madrid ee Michael Essien ayaa ka sheekeeyay  sheeko xiiso leh oo la xidhiidha qaabkii uu ugu wareegay kooxda caasimada Spain iyo waliba muuqaalkiisii markii uu tagay kooxdaas.

Khadkii dhexe ee ree Ghana ayaa Real Madrid ku biiray maalintii ugu dambaysay ee suuqa kala iibsiga si uu uga hoos shaqeeyo tababarihiisii hore ee Jose Mourinho.

Chelsea offer Michael Essien to Real Madrid at no cost - report

Essien ayaa warka ah in Real Madrid ay xiisaynayso si deg deg ah u helay kahor kulankii UEFA Super Cup ee ay Chelsea la yeelatay kooxda Atletico Madrid.

Essien oo u warramay il-wareedka GhanaWeb ayaa shaaca ka qaaday in maalintii ugu horreysay ee uu tagay Real uu xidhnaa isku joogiisii calaamada Chelsea ku taalay, kabihiisii uu ku ciyaarayay uu sitay, sidoo kale uu siday golofyada sharbaadada laga hoos xidho.

Michael Essien oo sheekadan ka warramaya ayaa yidhi “Lambar qariib ah ayaa isoo wacay laakiin maan doonayn inaan ka jawaabo, laakiin inaadeerkay oo qolka ila joogay maalintaas, ayaa ii sheegay inaan qabto”

“Lambarkii wuu igu soo cel-celiyay sidaas darteed waan qabtay, isla markii aan idhi Hello waxa dhinaca kale ka timid Hello kale, waxaan gartay qofka taleefanka ku jiray, waxaan u sheegay inaadeerkay waa Jose Mourinho”

“Waxay noqotay inaanu qorshayaga bedelno sababtoo ah waxaanu ka tagaynay huteelka si aanu u tagno garoonka aanu Atletico Madrid kula ciyaaraynay, Real Madrid waxay la xaajoonaysay wakiilkayga, waxaanan saarnaa baska maadaama oo aanu garoonka ka tagaynay”

“Waxay noqotay inaan ninka baska waday ku qayliyo si uu iigu istaago sidii nin waalan, dhammaan xiddigaha aanu isku kooxda ahayn ayaa isoo eegay sidiiyoo ay i leeyihiin ‘Michael maxaa dhacay?, Baskii ayaa istaagay waxaanan ku laabtay huteelka si aan wakiilkayga u sugo”

“Waxaan tagay Madrid aniga oo kaliya wata kabahayga ciyaarta, golofyada sharabaadada, laba surwaal, garan iyo isku joogayga Chelsea”

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook