Jorge Mendes Oo Si Maldahan U Shaaciyey Sababta Uu Ronaldo Uga Tegayo Real Madrid iyo Nolol Cusub Oo U Bilaabantay CR7

Jorge Mendes oo ah wakiilka Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda aan degganayn ee CR7 oo u dhow inuu ku biiro Juventus kaddib markii si lama filaan ah ay usoo baxday in Los Blancos ay hoos u dhigtay qiimihii lagu burburinayey qandaraaskiisa iyo in ciyaartoyga laftiisuba doonayo inuu Los Blancos ka tago.

Warbaahinta Portugal oo soo xiganaysa Mendes ayaa waxay baahiyeen in Ronaldo uu cusub cusub oo noloshiisa ah ka bilaabi doono waddanka Talyaaniga, gaar ahaan Juventus oo ay u badan tahay inuu horraanta toddobaadkan qalinka ugu duugo heshiis afar sannadood ah.

Warbaahinta Record oo ah jaraa’idkii markii ugu horreysay shaaciyey in Ronaldo aanu ku faraxsanayn Real Madrid oo uu ka tegi doono, ayaa waxa uu mar kale daabacay in Mendes uu qiray in Ronaldo uu ka tegayo Real Madrid.

Hadal si maldahan uu wakiilku u dhigay oo uu kaga hadlayay arrintan ayaa waxa uu ku yidhi: “Haddii ay dhacdo (in Ronaldo ka tago Real Madrid) waxay noqon doontaa cutub cusub oo loollanka waayaha ciyaareed ee wanaagsan ee Ronaldo ah.”

Mendes waxa kale oo uu sheegay in Cristiano Ronaldo aanu colaad u hayn doonin Real Madrid iyo taageereyaasheeda oo ay qalbigiisa ku jjiri doonaan, waxaanu yidhi: “Haddii Cristiano Ronaldo uu ka tago Real Madrid, waxa uu sii ahaan doonaa mid ku faraxsan kooxda, madaxweynaha, shaqaalaha, iyo sidoo kale taageerayaasha Madrid ee adduunka oo dhan.”