Jordi Alba Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Arrimaha Heshiis Kordhinta Ee Kooxdiisa & Aamusnaanta Maamulka Barcelona Oo Uu Layaab Ku Tilmaamay.

Daafaca bidix ee kooxda Barcelona ee Jordi Alba ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrimaha heshiis kodrhinta kooxdiisa iyo aamusnaanta ay maamulka kooxdu ka galeen xaaladiisa.

Heshiiska Jordi ee wakhti xaadirkan ayaa ah mid aysan mudo dheeri ka dhinayn waxaana uu gabi ahaanba idlaan doona bisha June ee sanadka 2020 waana sababta keentay in uu 29 jirkani layaab ku tilmaamay in maamulka kooxdu aysan wali isaga la hadal.

Jordi Alba is yet to be contacted over Barca renewal. GOAL

Alba ayaa sheegay inuusan ugu horreynba isagu waxba ka garanayn waxa ay kooxdu ka fikirayso balse ujeedadiisu ay tahay inuu waayihiisa kubadda cagta kusoo af-meero Barcelona oo uu sanadkii 2012 kaga soo biiray dhinaca kooxda Valencia.

Daafaca ree Spain ayaa yidhi ” Anigu mahayo wax war ah, Ma garanayo waxa ay kooxdu aniga iga filayso waana mid layaab leh sababtoo ah majiro wakhti badan oo ka hadhay qandaraaskeyga”

“Dareenkaygu waa inaan ku dhammaysto waayahayga halkan, Laakiin waynu eegi doonaa maadaama oo aanan ogayn waxa uu dareenkoodu yahay amaba wakhtiga ay filayaan inay ku haboon tahay inay ii yeedhaan”

Jordi Alba ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo ree Yurub ah haba ugu horreeyaan kooxaha Juventus iyo Manchester United, Labadan kooxood ayaa fursad heli doona haddii maamulka Barca ay ka cago jiidaan inay si deg deg ah heshiis cusub ugu abaalmariyaan Alba.