John Toshack: Real Madrid Waxay U Baahan Tahay In Ay Badasho Kala Badh Ciyaartoydeeda Ee Ma Aha Marcelo Oo Kaliya.

Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid ee John Toshack ayaa ku dooday in Marcelo oo kaliyi aanu ahayn ciyaartoyda ay tahay in ay kooxdiisii hore ee Los Blancos ay isbadal ku samayso. Marcelo ayaa noqday bartilmaameedka jamaahiirta Real Madrid kadib markii uu sabab buuxda u noqday in xili ciyaareedkan ay Madrid soo dhibtootay kulan kasta oo uu shaxda ku soo bilawday.

Marcelo ayaa sagaal kulan oo uu shaxda Madrid ku soo bilawday kulamadii La Liga waxay soo guulaysteen hal kulan oo kaliya taas oo xidiga reer Brazil baraha bulshada ku qirtay in uu isagu dhibaatada yahay laakiin macalinkii hore ee Real Madrid ee John Toshack ayaa aaminsan in kala badh kooxda hadda ee Madrid meesha laga saaro.

John Toshack ayaa sidoo kale dhaliilay in Gareth Bale aanu muddo lix sanadood oo uu Madrid joogay wali baran luuqada Spanishka kadib markii uu Marcelo dhawaan shaaciyay in xidiga reer Wales aanu wali sal dhigan nolosha Madrid ka jirta isla markaana uu Courtois sii xoojiyay.

John Toshack oo ka hadlaya waxa ay Real Madrid u baahan tahay ayaa yidhi: ‘ Real Madrid waxay u baahan tahay in ay badasho kala badh kooxdeeda ee ma aha Marcelo oo kaliya” sidan ayuu Toshak usheegay ‘El Golazo de Gol’.

Dhinaca kale John Toshack ayaan jeclaysan hadalkii uu Marcelo dhawaan ku cadeeyay in Gareth Bale aanu luuqada isbanishka aanu wali si fiican u baran wuxuuna yidhi: ” Bale waxaa waajib ku ahayd in uu barto Isbanishka waxayna ixtiraam daro ku tahay dadka”.

Hadalka uu John Toshack ku sheegay in kooxdiisii hore ee Real Madrid ay u baahan tahay in ay kala badh ciyaartoyda kooxdeeda badasho ayaa ah mid ay soo dhawaynayaan taageerayaasha Real Madrid oo aan jeclaysan xidigo badan oo hadda ka tirsan kooxda kowaad.

Florentino Perez ayaa la filayaa in uu ciyaartoy badan kooxdiisa ka fasixi doono dhamaadka xili ciyaareedkan si u u soo xoojiyo kooxdiisa oo aan xili ciyaareedkan sidii la filayay ugu tartamayn horyaalka La Liga isla markaana dhibaato badan soo martay.