John Obi Mikel Oo Fariin Digniin Ah U Diray Xulka Qaranka Argantina, Kadib Markii Uu Si Cad U Sheegay Inuu Ka Aarsan Doono Lionel Messi.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka Nigeria John Obi Mikel ayaa sheegay in kulanka uu xulkiisa qaranka kula ciyaari doono koobka aduunka 2018-ka dhigooda Argantina uu yahay miday ka aargoosan doonaan.

Xulalka qaran ee Argantina iyo Nigeria ayaa ku wada balansan inay isku arkaan Group D, waxaana sidoo kale Group-ka ku wehlin doona xulalka Croatia iyo Iceland, Argantina iyo Nigeria ayaa ku beegan is aragooda 26-ka bishan, waana kulanka lagu soo xiri doono Group D.

Xidigii hore kooxda reer London ee Chelsea John Obi Mikel ayaa wuxuu saxaafada la wadaagay fikirkiisa kaga aadan kulanka ay la ciyaari doonaan xulka qaranka Argantina wuxuuna yiri: “Kulanka aan la ciyaareyno Argentina wuxuu inoo ahaan doonaa mid gaar inoo ah aniga iyo Lionel Messi, wax isbeddel ah ma jiraan, tan iyo guuldaradii aan kala kulmay koobkii aduunka ee U-20 ee 2005-tii, laakiin waxaa la gaaray xiligii aan ka aargudan lahaa”.

John Obi Mikel ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Jiilka haatan ee xulka qaranka Nigeria uu heysto waa kuwo tayadooda ay aad u wanaagsan tahay, kulanka Argantina waxay noqon doontaa sida garsooraha oo kale”.

Khadka dhexe xulka qaranka Nigeria John Obi Mikel ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray fikirkiisa kaga aadan Lionel Messi wuxuuna yiri: “Shaki la’aan Lionel Messi waa kan ugu fiican aduunka, wuxuu la kulmay guul iyo guuldaro inta uu ku gudi jiray u sadeegista xulkiia qaranka Argantina”.

Xulka qaranka Nigeria ayaa markii ugu horeeay uu dhigiisa Argantina guul ka gaaro ay ahayd sanad kahor kulan saaxiibtinimo ee ka dhacay dalka Russia lakiin kulankaas ma uusan ka qeyb galin midkoodna xidigaha Lionel Messi iyo John Obi Mikel.