“Jesse Lingard 120 Kun Ayuu Ku Qaataa Inuu Yahay Instagrammer” – Roy Keane Oo Dhulka La Dhacay Rashford & Lingard Iyo Da’yarka Matthijs De Ligt Oo Uu La Bar-Bardhigay.

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Roy Keane ayaa weerar xun ku qaaday xiddigaha kooxdiisii hore ee Marcus Rashford iyo jesse Lingard isaga oo la bar-bardhigay da’yarka hoggaanka u ah kooxda Ajax ee Matthijs De Ligt.

Man United ayaa soo qaadatay xilli ciyaareed niyad jab leh, Waxa ay seegeen kaalmaha afarta sarre ee loogu soo baxo tartanka Champions League iyaga oo dhinaca kale baxay koobab la’aan iyo faro madhan.

Dhinaca kale kooxdii da’yarta u badnayd ee Ajax ayaa u guuleysatay labaleyda maxaliga ah ee dalka Holland balse horumarkooda qiimaynta weyn lagu sameeyay ayaa ahaa qaabkii layaabka lahaa ee ay kusoo gaadheen afar dhammaadka Champions League.

Halyeey Keane oo lagu yaqaano hadal cadaan iyo inuu si toos ah u weeraro meesha uu mad-madaw ka arko ayaa isbar-bardhig ku sameeyay mushaharka yar ee De Ligt iyo kabtanimadiisa iyo waliba mushaharaadka waalida ah iyo wax qabad la’aanta Lingard iyo Rashford.

Lingard ayuu ku sifeeyay mid isticmaalka barta Instagram darteed kooxda kaga qaata 120 kun halka uu Rashford ku sheegay mid laadadka xorta ah (Freekicks) ee uu tuuro naxdin darteed ku dila jamaahiirta aan laxaadkoodu dhammayn ee kooxda.

Roy Keane ayaa yidhi “Waxaad eegtaa Matthijs De Ligt, Waxa uu Ajax kabtan ugu yahay 19 jir isaga oo qaadanaya mushaharka ugu macquulsan”

“Dhinaca kale Rashford  waxa uu dhalinayaa 10 gool xilli ciyaareedka isaga oo jamaahiirta laxaadka la’ ku dilaya kursi curyaankooda ee laadadkiisa xorta ah isaga oo xoogsanaya 100 kun Lingard-na waxa uu 120 ku qaadanayaa ahaanshaha Instagrammer”

Si kastaba ha ahaatee, Wararka qaar ayaa sheegaya in Rashford uusan waliba ku qanacsanayn kooxdiisa isla markaana uu bixitaan dalban doono haddii loo diido dalabaad uu dalbaday.