Javier Mascherano Oo Mugdi Wayn Sii Galiyay Mustaqbalkiisa Camp Nou Isaga Oo Si Cad U Sheegay In Muhiimadii Uu Barcelona Ku Lahaa Ay Soo Dhamaatay.

Iyada oo Barcelona dhexda kaga jirta dhibaato wayn oo difaaca dhexe ka haysata isla markaana uu Samuel Umtiti muddo laba bilood ah uu garoomada ka maqnaan doono ayuu Javier Mascherano mugdi wayn sii galiyay mustaqbalkiisa Camp Nou isaga oo si cad u sheegay in muhiimadii uu ku lahaa kooxdiisa Barcelona ay meesha ka baxday. Javier Mascherano oo isna dhaawac ku maqan ayaa xusay in xaqiiqo ay tahay in booskii uu ku lahaa Balaugrana uu lumay.

Barcelona ayaa markii labaad isku dayaysa in ay daboosho bixitaanka bisha January ee Javier Mascherano kaas oo ka cadhaysan in Valverde uu kaydka ku ilaaway xili ciyaareedkan isaga oo muhiimada wayn siiyay Pique iyo Umtiti oo si wayn iskula qabsaday.

Laakiin in Barcelona ay hadda si wayn ugu baahan tahay adeega Javier Mascherano isla markaana ay doonayso in uu ugu yaraan taam u noqdo kulanka El Claciso-da ayuu xidiga ree Argentina sheegay in muddo 11 xili ciyaareed ah uu markii ugu horaysay dareemo in uu lumiyay muhiimadii uu lahaa.

Javier Mascherano oo la hadlayay TyC ayaa yidhi: ” Waqti ayaa ka soo wareegay markii aan kooxda dhexdeeda u sheegay in xaaladayda aan kooxda kaga noolahay ayna ahayn qofna qaladkiisa, laakiin si salhan waa xaqiiqo, ma aha wax la beenin karo.

Javier Mascherano oo si cad dareenkiisa u soo bandhigaya ayaa yidhi: ” Anigu waxaan lumiyay muhiimadii aan sanadihii hore ku lahaaa. Waxaad u baahan tahay in aad raadsato farxad  iyo dariiqa ku dareensiinaya in aad dhamaystiran tahay isla markaana aad muhiim ka tahay waxa aad qabanayso”.

Intaa kadib Javier Mascherano ayaa sheegay in markii ugu horaysay 11 dhaawac muruq oo soo gaadhay uu xili  aanu si xidhiidh ah shaxda kooxdiisa ugu soo bixin wuxuuna yidhi: “Waxaan soo maray 11 dhaawac muruq bilihii dhawrka ahaa ee la soo dhaafay isla markaana waxaan filayaa in ay taasi ahayd sababta aanan u sii wadan, tani waligay aniga hore iigumay soo dhicin”.

Javier Mascherano ayay u dhawdahay inuu bisha January ka bixi doono Camp Nou laakiin maamulka Barcelona ayaa wada qorshe ay xidiga ree Argentina ugu sii haynayaan kooxda ugu yaraan inta xili ciyaareedkan ka hadhsan.