Jamie Carragher Oo Sheegay In Go’aan Oo Kaliya Uu Jurgen Klopp Ka Fikirayo Ka Hor Kulanka Caawa Ee Finalka Champions League.

Halyaygii hore ee kooxda Liverpool ee Jamie Carragher  ayaa sheegay in hal go’aan oo kaliya uu Jurgen Klopp kaga fikirayo finalka Champions League isla markaana ay ilaa xili danbe ku qaadan doonto in uu dhinac u rido gao’aankan.

Jamie Carragher ayaa sheegay in Jurgen Klopp uu haddaba ogyahay shaxda kooxdiisa ee kulanka caawa uu ku soo bilaabi doono finalka Champions league marka laga reebo hal boos oo aanu go’aan ka gaadhin.

Jamie Carragher oo ka mid ahaa kooxdii Liverpool ee sida mucjisada ahayd ugu soo guulaysatay finalkii Champions League ee 2005 kii ayaa sheegay in Klopp uu ilaa hadda kala dooran kari laayahay Gini Wijnaldum iyo James Milner midkii uu khadka dhexe ku soo bilaabi lahaa.

SIDOO KALE AKHRISO:  Real Madrid Oo Wafdi U Dirtay Paris Si Ay Maalmaha Soo Socda U Soo Dhameeyaan Heshiiska Neymar & Barcelona Oo Xaalka Uu Ku Xun Yahay

Laakiin Jamie Carragher ayaa qiyaasay in Klopp uu ugu danbayn go’aan ku gaadhi doono in uu Gini Wijnaldum ku soo bilaabo shaxdiisa isaga oo sababtana sharaxaad ka bixiyay.

Jamie Carragher oo halka go’aan ee aanu ilaa hadda Klopp gaadhin ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxaa jira hal go’aan oo kaliya oo ay tahay in Jurgen Klopp uu sameeyo- waa haddii uu Gini Wijnaldum ama James Milner ku soo bilaabayo khadka dhexe”.

“Anigu waxaan filayaa in uu ku tagi doono Wijnaldum. Isagu waxa uu dabcan xiilli ciyaareedka oo dhan soo ahaa khadka dhexe ee Liverpool ugu fiicnaa” ayuu Carragher hadalkiisa raaciyay.

Jamie Carragher oo Wijnaldum ka hadlaya ayaa yidhi: “Isagu sare u kac iyo hoos u dhac ayuu ku soo jiray 2019, laakiin waxaan filayaa in ay sababtu ahayd daalka inka badan wax walba oo kale kadib xili ciyaareedka dheeraa”.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Jürgen Klopp Oo Xaqiijiyay Halista Dhaawicii Soo Gaadhay Goolhaye Adrian Iyo Naby Keita Oo Xaaladu Ku Sii Xumaatay.

Laakiin Jamie Carragher ayaa aaminsan in Wijnaldum uu heli doono go’aanka Klopp wuxuuna yidhi: “Kadib labadii gool ee uu ka dhaliyay kulankii Barcelona, waxaan filayaa in uu bilaabashada heli doono.

Ugu danbayn Jamie Carragher ayaa ku dooday in go’aanka kala doorashada James Milneer iyo Wijnaldum ee Klopp ay xili danbe gaadhi doonto wuxuuna yidhi: “Anigu waan hubaa in ay waqtiga ugu danbeeya ee ugu suurtogalsan ay isagu kaga bixi doono go’aankaas”.

Waxaa la filayaa in Jordan Henderson, Fabinho iyo Wijnaldum ay khadka dhexe ugu soo wada bilaaban doonaan Liverpool inkasta oo uu wali Klopp haysto fursada uu James Milner ku soo xulan karo.